Ciwanada Maqaalkan :
Hordhac :
Halkaan waxaan ku diyaarsan erayo jacayl ah oo laba qalbi oo is jecel aan u hibeeyay kuwaas oo aad ku qanci doonto markaad akhrido inshaa allah.
ADEEGYADAAN QABANO : Haddii aad rabto in laguu sameeyo website xayaysiinleh sida keenaan oo kale soomaaliga ah iyo mid English ah igala soo xidhiidh whatsAppka lambarkaan : +252906607535

Nuxurka Maqaalka :
fariinta 1aad Ee Fariimo Jacayl : ” Qalbi sidaan ku jeclahay alle mooyee aadame ma ogaan karo xitaa adiga, waayo adiga hadaad fakarto kana fakarto qaabka aan kuu jeclahay waxaa laga yaabaa inaad qayb ka tagto jacaylkaan kuu qabo qiimihiisa. Anna hadaan isdhaho sharax lagama yaabo inaan meeshiisii dhigo waayo ma jiro erayo u qalma oo ka soo bixi kara niyadayda, eray walba oo aan soo qorana waxaan dareemayaa inaan wax ka tagay Qalbi ❤️🩹”.
Fariinta 2aad Ee fariimo Jacayl ah : ” Qalbi uguma talo galin Qalbigayga Ruux kale waayo waxaaan Ogahay inaad tahay ninkeeda iyo reerkeedaba ka adag + leh sifihii hooyaday labaad 💋🫀”
Fariinta 3aad ee Fariimo Jacayl ah : ” Jacaylku waa nolol ayaan maqli jirey ka hor intaan Adiga ku baran, laakin wax walba waa aaminay waayo markii ilaahay subxaanahu watacaalaa ku siiyo qofkaa kaa fakaraya ku jecel kuna hawlan sidaad xitaa aadan u dareemi lahayn wax yaroo murug ah dhab ahaantii waxaad tahay qof nasiib leh, marka qof aniga kaalinaas ii buuxshey waa adiga anna waxaan diyaar u ahay sidaad ii dhamaystirtay inaan kuu dhamaystiro nolosheydii i a🫀”.
Fariinta 4aad Ee fariimo jacayl ah : ” fariin walba oo xagaaga iiga timid waxay iiga qaalisantahay haba yaraato ama ha koobnaatee fariin dheer oo uu isoo qorey Qof kale, Waayo waxaan ku daaweeyaa naf adiga mooyee alle Subxaanahu watacaalaa ka sokow uu san daaweyn karin ❤️🩹💝”.
fariinta 5aad Ee fariimo jacayl ah : mahadsanid hppi sidaad sharaftayDa iyo qalbigayga u ilaalisay ugana ilaalisay noole kale waa balan inaad adna qalbigayga iyo naftaydaba Adiga kugu koobo, waayo siduu kuula dhaqmo qofka bini aadamka ah ayaa loola dhaqmaa🫀🥳”.
fariinta 6aad Ee fariimo jacayl ah : ” Qalbi hadaad ogaan lahayd farxata iyo jacaylka aanka helo markaad ila joogto hppi waxaad dooran lahayd inaad ila joogto xilli walba heer xitaa aan isla gaarno habeenkii saan u wada hadlayno Qorraxdu ay soo baxdo 🫀🥰”.

fariinta 7aad Ee fariimo jacayl ah : ” Qof lama Jeclaadee waxaa la jeclaadaa ruux u qalma in la jeclaado waqtina la galiyo hppi maxaan ku gudaa abaalkaaga waayo waxaad ila soo martay ama ii soo samirtay xaalado adag oo aan dadka oo dhami iskugu dulqaadan 🫀🥰”.
fariinta 8aad ee fariimo jacayl ah : ” marmar waxaan kuugu yeeraa erayo aanan u adeegsan dadka asxaabtayda ah sida Gacaliso, aan ku weydiiyee sababtaas ma taqaan aan erayadaas qaaliga ah kuugu hibeeyay ? 🫀🥰 “.
Fariinta 9aad Ee fariimo jacayl ah : ” waxaa wax lagu badashoba jirin sida naxariista iyo wanaaga Leh ee aad iigu Qorto fariimo jacayl ah kuwaas oo dareenka jacaylka ah ee aan kuu qaadayo igu sii kordhiya 💝👩❤️👩”.
fariinta 10aad ee fariimo jacayl ah : ” Marar badan waankaa fakaraa waxaana is dhahaa ma jiraa qof lamida jacaylkaaga, anna waxaan niyadayda uga jawaabaa maya 1000kii qof isaga uun hal qof ayaa ku jira, wanaaga aan kuu hayana waa waxaad ku beeratay Qalbigayga aadka kuu jecel hppi 🫀🥰 “.

Gabogabo:
fariimahaan aad soo akhriday ee kor ku xusan maxaadka aamintay mayska sheeko mise wax uun ayay ka badaleen dareenkaaga shakhsiyadeed.
muhiimada : Jacaylku horta waa wax jira , soona maray Qofkii ugu qiimaha badnaa ee addunka soo maray nabiyuna mohamed sallaahu calayhi wasallam, marka maadaaba jacaylku yahay dareenku dhaca qalbiga aadna u qaadayso dareen jacayl u hibee erayadaan qiimiga badan.
waa walalkiin mohamud abshir oo idinle intaa qoraalkaan oo kale ku kulmayn mar labaad aad iyo aad baad mahadsantihiin saaxiibayaal.
More Info
Created by : Mohamud abshir | Youtube keena M. abshir
Images : pixabay.com | Pexels.com
Related articles : fariimo jacayl ah xul | 2025