Xikmado cajiib ah oo Qoraal ah | akhri

Hordhac :

Rumeysan maysid xikmadahaan cajiib ka ah ee ku sugan maqaalkaan, waa xikmado xul ah oo aad wax badan ka faaiidayso waxayna ka hadlayaan ama matalayaan noloshaan aan maanta ku jirno iyo sidan uga guuleysan lahayn oo aan u noqon lahayn kuwa ka taga bartay shalay joogeen , waana kuwaana akhris wacan.

ADEEGYADAAN QABANO : Haddii aad rabto in laguu sameeyo website xayaysiinleh sida keenaan oo kale soomaaliga ah iyo mid English ah igala soo xidhiidh whatsAppka lambarkaan : +252906607535.

Nuxurka Maqaalka :

xikmada 1aad ee xikmado cajiib ah :hadii aadan awoodin inaad naftaada la hadasho, ma awoodid inaad dadka kale ladasho ama wax u sheegto ”,

ha kor intaadan isku dayin inaad dadka waxka dhaadhiciso waa inay adiga kaa muuqataa waxaad dadka u sheegayso, dhanka kale haddii aad rabto inaad dadka wax u sheegto marka hore waa inaad naftaada wax u sheegi kartaa .
Tusaale : haddii aad rabto dadka inaad ku dhahdo hala tukado , marka hore waa inaad adiga tukataa si ay dadkaas kaaga aamini karaan inaad tahay qof wuxuu dadka u sheegayo isagu ku fiican.

xikmada 2aad ee xikmado cajiib ah : “Weligaa guulaysan maysid haddii aadan weligaa bilaabin”,

Horta guusha laguu sheegayaba waxay ka bilowmataa dadaal iyo hor usocod, marka hadaadan weli samayn oo aadan wax cusub baran waa khalad sababta aad guuul u raaadiso saaxiib, marka walaalkaa ahay hadaan talo ku siin lahaa bilow maanta, hana joojin hawshaas aad bilowday ilaa aad aragto miraheeda xitaa hadaad khasaaro kala kulanto waa kuu khibrad saaxiib, khibraduna waa qayb ka mida guusha.

xikmada 3aad ee xikmado cajiib ah: Haddii aad rabto inaad u iftiinyto sida qorraxda marka hore u gubo sida qorraxda”,

Xikmadaan waxaan ka faaidaynaa haddii aad rabto inaad noqoto qof meelka soo baxa waa inaad waqtigaaga ka faaiidaysataa , hadaadan dalaalin maantana maalin kale ayaad ka shalaynaysaa waqtigaas aad lumisay, dhanka kale qorraxda aad aragtay oo loo yaqaan isha cunada ama isha nolosha taas oo faaiidooyinkeeda aanu ku soo koobi karin hal qoraal, dhayal kuma noqon ama kuma helin magacyadaas qaaliga ah ee waxay ku heshay ayaa ah, waxtarkeeda si ay waxtarkaas inoo siisana waxay kasoo aragtey kulayl badan waayo heer-kulka qorraxda aad buu u kululyahay, lacalaa kulli xaal hadaan qoraalka soo kufsho, si aad u noqoto qof meelka soo baxa saaxiib waa inaad dadaal badan ku bixisaa, aadna hiigsataa meel sare, meeshaad hiigsanaysana adiga ayaa is gaarsiin kara saaxiib, qofna masuul kama noqon karo inaad gaarto meeshaad rabto hadaadan adigu dadaalin dhexdana xidhan.

xikmada 4aad ee xikmado cajiib ah : ” Dabeecada xumi waa taayar banjaray oo kale meel fog kuma gaarsiinayso hadii aadan badalin”:

Hadda ka hor laba waalid ayaa iswareystay waxayna iska wareysteen mid ka mid ahaa awlaadooda waxay isku dheheen ugu danbayntii hebel meeshuu tago ciil ayuu u dhiman taas oo loola jeedo yacnii hebel dabeecad maleh, Qofku hadii dabeecad lahayna waxaa ku adag dhexgalka bulshada , marwalba oo aad dabeecad wanaagsan leedahayna waa marwalba oo aad nolosha guulka gaari karto waayo waxaad garanaysaa qaabka loo kasbado dadka kale xiriirna loola sameeyo taasna waa meesha lagu kala tagay .

xikmada 5aad ee xikmado cajiib ah : ” weligaa ha u sheegan dadka meelahaad ku liitado ” :

u sheegida dadka meelaha aad ku liidao wax faaiido ah malehwaxyeelo inay naftaada ku tahay mooyaane, sababtoo ah waxaa laga yaabaa inuu ka mid yahay cadawgaaga dadkaas aad u sheegayso meelaha aad ku liidato , ka dibna uu meelaha aad ku hooseyso ogaado ka dibna saas kaaga faaiidaysto, midna iska ilaali sheegida waxyaabahaas waxay leedahay dad munasab ku ah sida : laamaha qoyskaaga sida walaal iyo hooyo iyo aabbe, waayo dadkaan waxbay kaala qaban karaan hooseyntaada iyo meeshaad waxka tabanayso idim ilaahay ka sokow mana noqon karaan cadawgaaga waayo waa dadkaagii kuugu sokeeyay oo guriga kula joogay kamana hadlaayo hadaad isku dhacdaan oo saas cadawgaaga ku noqdaan.

xikmada 6aad ee xikmado cajiib ah :Si aad ubadasho noloshaada waxad ubaahantahay inaad badasho waxyaabaha aad muhiimada siiso”:

Isbadalka nolosha waxaa uu ka yimaadaa xaga qofka ilaahayna quraankiisa waxaa uu ku leeyahay aayad micnaheedu ahaa (” ilaahay qoom ama duul ma badalo ilaa ay badalaan iyagu waxyaabaha quluubtooda ku jira “), si aan nolosheena ubadalno, waxaa kow ka ah waxyaabaha aan badalayno waxyaabaha corfort zone ka ah , confort zone waxkale maahane waa inaad hawl qabato, hawshaasna aad adiga ku dareemayso nafis ama qanacsanaan laakin hawshaas aysan wax faaiido ah kuu lahayn .
Tusaale : aan iska dhahno waxaad tahay wiil iska dhalin yaro ah waxaad xoooga saartaa ama inta badan dheeshaa ciyaarida ciyaarta loo yaqaan laadhuuga (ludo star), adiguna ciyaaridiisa farxad baa ku dareentaa laakin ogow waxa ka badan faaiidadiisa khasaarihiisa, khasaarooyinkaan soo socdana waa leeyahay :

  • Waa waqti lumis : waqtiguna waa waxa ugu qaalisan ee uu qof haysto lana waydiinaayo maalinta qiyaame.
  • Waa xaraaam : ilaahay waa kaga hadlay qur’aankiisa kareem ah wuxuna sheegay in ( mayserka iyo khamriguba xaaraam yihiin), laaduuguna waa nooc ka mida maysarka .
  • Wax dakhli ama dhaqaale ah lagama helo hadaad a heshana waa xaraam : Maanta oo dhan hadaad dheelayso wax faaiido ah kama helayso oo lacag ah, hadaad ka heshana waa xaraam waayo isagiii ayaa xaaraam ah soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa : hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho .
  • Khad ayuu kaa rabaa : halkii aad isaga lacag ka heli lahayd isagaa ayaa lacag kaa raba, marka saaxiib maalkaaga xaaraam haku lumin maalkaaga yo waqtigaaga adoo wax kale oo faaiido leh qaban kara.

Intaas hadaad kusoo gabo gabayno khasaaraha uu inoo leyahay laadhuugu, marka confort zone waa luminta waqtiga waxaan faaiido kuu lahayn laadhuuga kaliya maahane waa wax walba oo faaiido kuu lahayn waqtigaagiina cunaya.

marka saaxiib hadaad maanta hayso ama aad qabato waxaan waxtar kuu lahayn sida daawashada ciyaaraha , ka wareeg oo waqtigaaga iyo maalkaagaba gali wax wax ku taraya beri ka maalina aad oran doonto waqtigaan galiyay kuma khasaarin.

xikmada 7aad ee xikmado cajiib ah : “Inaadka fogaato dadka qaar si aad u ilaaliso dareenkaaga maahan diciifnimo ee waa xikmad weyn”:

Xikmadaan waxaad moodaa inay dadka aan ku qanacsanayn ama dareemaya inuusan danaynayn ruuxa ay jecelyihiin. waxaana ka iri sidaan :-

Intaad maalin maalmaha ka mida dhaawacnaan lahayd, inaad ka fogaato dadka qaar, waa mustaqbalkaagii oo aad wanaagsatay waayo qof aad istiri noloshaada kuma aamin karto ayaad go’aanka gaartay, qof aanan berri kula qaybsan doonin qalbi jabkana waxba yuusan diciif kugu sheegin, Ka dheerow tusna inaad tahay qof ixtiraamaya naftiisa, tusna inaad tahay ruux ka maarmi kara iyaga.

Gabogabo :

Maqaalkaan waxaan jeclahay inaad wax uunka faaiiday oo uu xitaa wax yar ka badalay maskaxdaad haday saas tahay waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado ra’yigaaga qaybta commentiga igula wadaag hadaad wax ka faaiiday.

Muhiimada : waa dhiirigalin cajiiba taas oo keeni karta inaad noqoto ruux noloshiisa meel ka kasoo saara waayo dhamaantood 7daan xikmadood ee aan ku soo qaatay qormadaan waxay xooga saarayaan sidaad meesha aad maanta joogta horey uga socon lahayn.

Waa walaalkiin mohamud abshir oo idin leh intaan maqaalkaan oo kale ku kulmayno nabaadiino saaxiibayaal.

More info :

Creator : Mohamud Abshir | Youtube keena M. abshir

Images : Pexels.com | pixabay.com

Related : fariimo jaceyl oo romantic ah | Jaceyl

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *