Ciwaanada Maqaalka :
Hordhac :
Adduunka maanta, lacag samaynta internetka waxay noqotay fursad weyn oo dadka wax qora, YouTubers-ka, iyo milkiilayaasha website-yadu ay si weyn uga faa’iidaystaan. Mid ka mid ah hababka ugu caansan ee lacag looga helo internetka waa adeegga Google AdSense.
Maqaalkaan Waxaana kaga jawabayaa su’aalo ay muhiimtahay inuu ruux walba oo isticmaala ama rajo ka leh Google AdSense inuu ogaado, waxayna kala yihiin sidaan :- waa maxay Google AdSence ? , sidee u shaqeeyaa Google AdSence ? , Shirkadee ayaa iska leh Google AdSense?, Goorma asaasay Google AdSense ?.
Jawaabaha su’aalaha :
Waa maxay Google AdSense ?
Google AdSense waa shirkad digital ah oo ay leedahay shirkada google, waxayna qabataa in dadka alaabta loo xayaysiinaayo iyo dadka leh meelihii wax lagu xayaysiin lahaa sida :- ( Websites, youtubes iwm ).
Sidee u shaqeeyaa adeega Google AdSense?
Google AdSense wuxuu u shaqeeyaa sidaan horta waxa ugu weyn ee oo loo samaeeyay waa inuu u xayaysiiyo dadka ganacsadayaasha ah alaabtay gadaan ama ay hayaan .
Tusaale : markaad website soo gasho waxaad aragtaa xayaysiin kasoo muuqaanaysa hareera website ka, xayaysiintaas waa waxay Google Adsence shaqadiisu tahay , xayaysiintaasna micnaheedu waa hadaan tusaale soomaalidu waxku fahmi karto soo qaadano, soomaalida waad aragtay markay wax xayaysiisanayso waxay isticmaashaa idaacado ka dibna radio-ga ayaad xayaysiinta ka dhagaysanaa ka dibna halkaas ayaan ka ogaanaa xogta adeega la xayaysiinaayo. waxyaalaha loo baahanyahay markii la rabo inaad xayaysiin laguu sameeyana waa inaad lacagta xayaysiinta la baxdo.
sidaas si lamida Google AdSense wuxuu qabtaa xayaysiintii oo ka dhacaysa khadka ama social media-ha, wuxuuna lacagtii laga qaaday qofka alaabta loo xayaysiinaayo loo qaybiyaa laba qaybood, 45% waxaa qaadanaya google adsence, 55% waxaa la siinayaa qofka website-kiisa ama muuqaalkiisa youtube ka ah alaabta lagu dhex xayaysiinaayo.
Shirkadee ayaa iska leh Google AdSense ?
Google AdSense waxaa iska leh shirkadda weyn ee Google LLC, taasoo hoos timaadda Alphabet Inc. Alphabet waa shirkadda waalidka ah ee maamusha dhammaan adeegyada ay Google leedahay. AdSense waa mid ka mid ah ilaha ugu muhiimsan ee dakhli u soo saara Google.
Goorma la asaasay Google AdSense ?
Shirkadda Google AdSense waxaa la aasaasay bisha June ee sanadkii 2003, waxaana sameeyey shirkadda Google lafteeda.
Ujeedada : Google Ads]Sence waxaa loo asaasay in dadka ganacsiyada leh alaabtooda loo gaarsiiyo macmiil iyadoo loo marinaayo online ka sida muuqaal ay daawanayaan ama qoraal ay akhrisanayaan.
Gabogabo :
si guud shirkada google adsense waa shirkad digital ah oo shaqadeeda ugu weyn ay tahay inay isku keento ganacsadayaasha iyo macmiil u baahan adeega ay gadayaan.
maqaalkaan waxaan uga jawaabay dhowr su’aalood oo muhiim ah ayna tahay inuu qof walba oo Google AdSense leh ama ku fakarayaa anfacaya. waa walaalkiin mohamud abshir oo idin leh intaan maqaalkan oo kale ku kulmayno nabad galo saaxiibayaal.
More Info
Created by : Mohamud abshir | Youtube keena M. abshir
Images : pixabay.com | Pexels.com
Related articles : Xikmado cajiib ah oo Qoraal ah | akhri