suaalo iyo jawaabo diini ah

Su’aalo Iyo jawaabo diini ah | Baro diintaada | Qaybtii 1aad

Hordhac :

Su’aalo iyo jawaabo Cajiib ah ayaa halkaan ku diyaarsan, waxaana uga jawaabay 12 su’aalood oo la xiriira Bisha bakakaysan ee ramadaan, hadaad akhrididna waxbadan ayaad ka faaiididoontaa Insa allah, waana kuwaane akhris haboon .

Nuxurka Maqaalka :

Su’aasha koowaad : Waa maxay farqiga ama kala duwanaanshaha u dhexeeya Soon iyo Ramadaan?

Jawaabta : labadaan kalmadadood waa laba kalmadood oo inta badan wada socda, waxayna ku kala duwanyihiin xaga micnaha :

Soon : Waa ficil la sameeyo, micnaheeduna wuxuu noqonaya af xidh, Waxa laga af-xidhanayana wax kale maahane waa cuntadii, biyihii iyo wax walba oo dhaawacaya soonka aad soomantahay sida cayda , beenta iwm.

Ramadaan : Waa bil magaceed waana bisha 9aad ee hijriga, waxayna bishaan la gaartahay ama bilaha kale kaga duwantahay waxaa waajibku ah qof walba oo muslim ah oo awooda soon, waana inuu ka soomo wax walba oo cunto ah iyo wax walba oo ficil xun ah ama soonka dhaawacaya .

Warkoo kooban Ramadaan waa bisha magaceed, Soonna waa ficil lagu sameeyo bisha dhexdeeda kaas oo ah in cuntadii la iska dhaafo.

Su’aasha Labaad : Goorma ayaa soon-ka la waajibiyay ?

Jawaabta : soon-ka waxaa la waajibiyay sanadkii labaad ee hijriga, wuxuuna soo maray marxalado kala duwan kuwaas oo ay ka mid ahaayeen :-

  • in la soomi jiray yawmul cashuura ( 10-ka bisha cashuura ) oo soomida maalintaas ay waajib ahayd, halka hadda ay sunnada ka tahay.
  • in qofkii raba soomi jiray kii kalena fitra iska bixin jiray, yacnii soomku khasab ma ahayn oo qofku laba doorasho mid ayuu lahaa haduu rabo waa soomi jiray haddu rabana wuxuu iska bixin jiray cunto.
  • ka dib waxaa soo dagtay aayadaan qur’aanka ah taas oo sheegaysa inuu soonku wajib yahay (يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ) oo micnaheedu yahay sidaan ” Kuwa xaqa rumeeyow, waxaa laydinku waajibiyey soon sida loogu waajibiyey kuwii idinka horreeyey, si aad u noqotaan kuwa Alle ka dhawrsada.” halkaasna waxaa ka cad soonkii sunnaha ahaa inuu isku badalay waajib.

Su’aasha Saddexaad : Waa maxay Soom-ku ?

Jawaabta : Su’aashani waxay yeelan kartaa jawaabo kala duwan haddii laga eego meelo kala duwan, hadeerna waxaan ka eegaya dhanka arkaanta islaamka, jawaabtuna waxay noqonaysaa sidaan soomku waa Tiir ka mida tiirarka diinteena islaamka , waxaana weeye tiirka 4aad ee diinta islaamku ku taagantahay “.

Su’aasha Afaraad : Waa maxay cuntada Fitriga ee la baxsho maalinta Ciida ?

Jawaabta : Cuntada Fitriga (Sakaatul Fidriga) waa sadaqo waajib ah oo la bixiyo dhammaadka bisha Ramadaan, ka hor salaadda Ciidda.

Su’aasha shanaad : Goormee la baxshaa Cuntada Sakaatul Fidriga ?

Jawaabta : Waa kan waqtiyada munaasabka ah ee la bixiyo cuntada sakaatul fidriga :-

  • Haddii la bixiyo salaadda kadib, waxay noqoneysaa sadaqo caadi ah, ma aha Sakaatul Fidir waajib ah.
  • Waxaa la bixiyaa ka hor salaadda Ciidda.
  • Waqtigeeda ugu habboon waa subaxda Ciidda ka hor inta aan la tukan salaadda.
  • Waxaa la oggol yahay in la bixiyo hal ama laba maalmood ka hor Ciidda (sida ay culimadu qabaan).

Su’aasha lixaad : Sidee ku ogaan kartaa inay soo gashay Bishii Ramadaan ?

Jawaabta : 3 qaab oo lagu ogaan karo inay soogashay bishii ramadaan ama berida soo socota ay soontahay waa kuwaan :

Qaabka koowaad : 🌙 Aragtida Bisha

Bisha Ramadaan waxay ku bilaabataa marka la arko bil cusub fiidkii 29-ka Shacbaan.

Nabi Muhammad (NNKH) wuxuu yiri: “ Soon bilaaba markaad aragtaan bisha, kuna afura markaad aragtaan Bishii xigtay …”

  • Haddii bisha la arko → Ramadaan way bilaabatay.
  • Haddii daruur ama caqabad jirto oo la arki waayo, Waxaad dhamaynaysaan 30 ka beri ee Shacbaan, Waayo lama arag bishii, sababta aad 30 beri uga dhigaysaan shacbaan, waa bilwalba oo hijri ah waxay ku dhamaataa 30 ama beri . oo haday shacbaan gaarto 30 micnaheedu maalinta ku xigta waa soon bilaa shaki, haddii markay 29 tahay bisha shacbaana ay dhalato bisha ramadaan, waa soon.

Qaabka Labaad : Dhammeystirka 30 Maalmood,

Qodobkaan horaan uga soo hadalnay, haddii la arki waayo bishii waa inaad buuxisaan 30 beri ee shacbaan si aydan shaki ugu soomin. ka dibna maalinta xigta waa 1-da ramadaan.

Qaabka saddexaad : Araga Culimada ama Qof lagu kalsoonyahay

Qaabkaan waa qaab u baahan qof lagu kalsoonyahay ilaahay yaqaana inuu arkay bisha ramadaan, ka dibna sidaas ay ku soomaan dadka.

Su’aasha Todobaad : anoo qaan gaar ah ma afuri karaa kibir iyadoo aysan jirin xanuun ama safar iyo howl adag oo aan hayo ?

Jawaabta : Maya. Haddii aad qaan-gaar tahay, caqli qabto, joogto (aan safar ku jirin), oo aadan xanuunsanayn, soonka Ramadaan waa kugu waajib, mana bannaana in si ula kac ah loo afuro adigoon cudur sharci ah haysan.

Nabi Muhammad (NNKH) wuxuu faray ” in la soomo marka bisha la arko, taas oo muujinaysa waajibnimada soonka Ramadaan”.

Su’aasha Sagaalaad : Goorma ayaa la oggol yahay in la afuro?

Jawaabta : Waxaa jira marar ay banaantahay in qofku afuro Waxaana u kala qaadaynaa rag iyo dumar :-

Ragga – waxaa la oogalyahay ninka ragga ah inuu afuro dhowr mar waa hadday dhacaan xaaladahaan hoose :

  • Hadduu safar yahay : haddu safaryahay welibana safar adag uuna ka baqayo in caafimaafkiisa wax soo gaaraan sida inuu haraad daran iyo baahi soo wajahdo, waa afuri karaa, Laakin safarkaas waa inuu yahay mid micne ku fadhiya laakin uusan ahayn miduu kaga cararayo ama uu iskaga dib dhigaayo soonka, markay dhamaato bishaas ramadaana waxaa laga rabaa maalmihii uu Afurnaa inuu soonkoodi qaleeyo ilaa aan la gaarin bisha kale ee ramadaan.
  • Hadduu Xanuunsanyahay : qof walba oo xanuunsan waa laga dhaafay soon waa haddii xanuun saaida jiro oo sababaya inay soonka hayn waayaan, ka dibna hadduu bogsoodo bilaha soo socda ayuu qalayn doonaa insha allah. waxaan daliil u ah aayadaan qur’aanka ah ( وَمَن كَانَ مَرِيضًا أَوْ عَلَىٰ سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِّنْ أَيَّامٍ أُخَرَ ) oo micnaheedu noqonayo sidaan ; ” qofkii buka ama safar ahna ha qaleeyo maalmo kale. ”

Dumarka – Dumarku waxay kala midyihiin labada qodob ee sare ragga waxaan u dheer kuwaan soo socda :-

  • Caadada (Xaydhka) : Marka ay caado ku jirto waa ka mamnuuc soonka, Haddii ay soonto iyada oo caado leh, soonka ma ansaxayo.

Marka ay daahir noqoto, waa inay qallaysaa (qadaa) maalmaha ka tagtay , Arrintan waxaa lagu caddeeyey xadiis ay werisay Caisha bint Abi Bakr (RC), (عَنْ عَائِشَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا قَالَتْ:
كَانَ يُصِيبُنَا ذَٰلِكَ، فَنُؤْمَرُ بِقَضَاءِ الصَّوْمِ، وَلَا نُؤْمَرُ بِقَضَاءِ الصَّلَاةِ. )
oo micnihiisu yahay in dumarka lagu amri jiray “ inay qalleeyaan soonka balse aan lagu amrin inay qalleeyaan salaadda “.

  • Dhiigga Dhalmada (Nifaas) : Marka ay umusho oo dhiig nifaas ku jiro, ma soomi karto, Marka uu joogsado oo ay daahir noqoto, waa inay qallaysaa maalmaha ka tagay.
  • Uur iyo Nuujin : Haddii haweeney uur leh ama nuujinaysa ay u baqdo caafimaadkeeda iyo kan ilmaheeda caloosha ku jira iyo midka ay nuujinayo, waa afuri kartaa waxaana laga rabaa qalle ka dib markuu dhamaado soonku waxayna qalleynaysaa maalmihii dhaafay.

Su’aasha tobanaad : Maxay kaga duwantahay ramadaantu bilaha kale ?

Jawaabta : Bisha ramadaan waa bil barakaysan waxayna kaga duwantahay bilaha kale waxyaabahaan soo socda :

  • Waa bisha Qur’aanka la soo dejiyey laguna soo dajiyay nabiyullaahi maxamed (NNKH) Ilaahay wuxuu yiri: ( Suuratul al-baqra aayada :185) [ شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِي أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ ] . Micnaheeduna waa sidaan : “Bisha Ramadaan waa tii uu soo dagay Qur’aanku .”
    Taasi waxay muujinaysaa in Ramadaan ay tahay bisha uu Qur’aanku ku soo degay Nabi Muhammad (NNKH).
  • Waa bil dembi-dhaaf iyo naxariis : Nabigu (NNKH) wuxuu sheegay in:
    • Albaabbada Jannada la furo
    • Albaabbada Naarta la xiro
    • Shaydaankana la xidho
  • Waxaa ku jirta Laylatul Qadar : Habeenkan qiimaha badan ayaa ku jira kaas oo ka khayr badan kun bilood, oo u dhiganta 83 sano iyo dheeri, waxaana lagu xusay Suuratul Qadar. { إِنَّا أَنزَلْنَاهُ فِي لَيْلَةِ الْقَدْرِ }
  • Soonku waa tiir ka mid ah tiirarka Islaamka , Soonku waa mid ka mid ah Shanta Tiir ee Islaamka, sidaas darteed waa cibaado gaar ah oo aan la mid ahayn soon kale, Dhamaan cibaadooyinka kale ilaahay ayaa leh, laakin soonka nabi maxamed (N.N.K.H ) ayaa wuxuu yiri : “anaa leh aniga ayaana dadka ka abaal marinaya “.
  • Taraawiix ayaa la tukadaa: Bishaan habeenkii waxaa la tukadaa Salaada cishe ka dib salaada taraawiixda, taas oo qofka muslimka ah ee tukada isagoo ilaahay ajarkaga raadinaya in loo xisaabayo ajar qof habeenkii oo dhan taagnaa.

Su’aasha Kow iyo tobnaad : Waa maxay casharada aanka baranayno bishaan ramadaan ?

Jawaabta : Waxaa jira casharo muhiim ah oo laga baranayo bishaan, waxaana qoraalkaan ku xusay dhowrkaan qaybood :

  • Taqwo alle ka cabsi : dhamaadka Aayadda 183 Ee Suuratul Al-Baqra waxay oranaysaa sidaan ( لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ ), oo micnaheedu yahay ” waxaad mudantihiin inaad cabsataan “, Sidaas daraadeed Soonku wuxuu qofka baraa is-xakamayn iyo ka fogaanshaha dembiga.
  • waxaan ka baranaynaa Samir : Markaad gaajo dareento, waxaad fahmaysaa xaalada dhab ah Masaakiinta taas oo ah inay marwalba baahi la saaxiibyihiin.
  • Isbeddel nololeed : Waa bil noloshaada aad ugu badali karto alle ka cabsi aadna kaga fogaan karto sida waxyaabahaan soo socda ( Beenta, Xumaanta, cay iyo danbi joogtaa iwm ).

Su’aasha Laba iyo tobnaad : Waa maxay waxyaabaha jabiya soonka ?

Jawaabta : Waxyaabaha jabiya soonka waxaa ka mid ah kuwaan soo socda:

  • Cunid iyo Cabid ula kac ah : Haddii qof si ula kac ah u cuno ama u cabo isagoo og inuu sooman yahay, soonkiisu wuu jabayaa, laakiin Haddii uu is iloobo inuu soomanaa oo uu wax cuno ama cabo, soonku ma jabayo.
  • Galmo (isku tag) : Haddii laba qof oo is qaba ay galmo sameeyaan maalintii iyagoo sooman, soonku wuu jabayaa, waxaana waajib noqonaya qalle iyo kafaaro (ciqaab gaar ah oo diini ah).
  • Shahwo si ula kac ah ku timaadda : Haddii qof si ula kac ah u sameeyo wax keena inuu ka yimaado shahwo (sida siigaysi), soonku wuu jabayaa.
  • Matag ula kac ah : Haddii qof si ula kac ah isu keeno matag, soonku wuu jabayaa, Laakiin haddii uu si kedis ah u matagto, soonku ma jabayo.
  • Dhiig-bax caado ama nifaas : Haweeneyda haddii ay ku timaaddo caado (xayd) ama dhiig dhalmo (nifaas) maalintii, soonkeedu wuu jabayaa waana inay qalleysaa maalintaas.
  • Ka bixidda diinta (riddada) : Haddii qofku ka baxo diinta Islaamka (Alle ha naga dhowree ), soonkiisu wuu burayaa.

Gunaanad :

Qormadaan intii dadaalkayga iyo aqoontayda ahaydba waxaan uga jawaabay su’aalo diini ah oo la xiriira bisha barakaysan ee ramadaan, hadaad isleedahay wax uun baa laga faaiidayaa waxaan jeclaan lahaa inaad ra’yigaaga qaybta commentiga noogu reebto, hadaad leedahay soo badina waa soo badin doonaa insha allah, magacaygu waa mohamud abshir waxaan idin leeyahay salaama meel walba oo aad joogtaan.

Xog Dheeri ah :

Abuuraha ama Qoraha : Mohamud Abshir | Youtube : M.abshir.

Qormo Hore : Sidee Youtube-ka Lacag Looga Sameeyaa ?

Nagala Soo Xidhiid : +252906607535 | +252702110690


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *