lacagta youtube ka

Sidee Lacag Looga Sameeyaa YouTube-ka ?

Hordhac

YouTube waa Application ama web app internet ku shaqeeya oo lagu daawado laguna wadaago fiidiyowyo kala duwan sida waxbarasho, madadaalo, warar iyo xirfado. Waxaa la asaasay sanadkii 2005, waxaana sameeyay saddexdaan nin Steve Chen, Chad Hurley, iyo Jawed Karim ka dibna waxaa ka gadatay shirkada Google. Hadda YouTube waxaa leh shirkadda Google. Ujeedada loo asaasay YouTube waxay ahayd in dadku si fudud u wadaagi karaan fiidiyowyo, codkoodana u gaarsiin karaan dunida oo dhan.

Qaababka Lacag Looga Sameeyo Youtube-ka

Waxaa jira habab kala duwan oo YouTube-ka lacag looga sameeyo maqaalkana waxaan kuugula wadagayaa hababka ugu caansan uguna fudud ee qof walba fahmi karo anoo shatraxaad kuugu daraya iyo tusaalooyin, Waana kuwaan sawirka ka hooseeyee akhris wacan :

Qaabka 1aad : Xayaysiinta Youtube ka ( YouTube Ads) :

Qaabkaan waa qaabka ugu caansan ee lacag looga sameeyo, qaabkaan waxaan ku qeexi karnaa waa inaad intaad muuqaal soo duubto, soo edit garayso ka dibna aad dhigto YouTube-ka, aad soo dhigto ka dibna lacag uu sidaa kuugu sameeyo muuqaalkaas.

Shuruudaha Asaasiga ee Lagaa rabo si aad lacag u kastabato :

1.1K+ subscribers : Waa inaad haysato ka badan 1000 subcribers oo qof oo ku xiran kanaalkaaga,

Iyo labadaan midkood : Waxaa lagaa rabaa hal shuruud oo khasaba oo ah inuu kanaalkaagu haysto ka badan 1000 subcribers (1k+ Subcribers )iyo labadaan shardi oo soo socdo midkood :

1.4000 Wath Time Hours : waa in ladaawado muuqaaladaada yaala kanaalkaaga 365 maalin ee lasoo dhaafay 4000 oo saacadood ama ka badan , haddii 5000 Oo saacadood la dawaaday muuqaaladaada ka hor 365 maalin laguuma xisaabayo 5000 ee saacadood ee daawashada ahayd ee uu kanaalkaagu sameeyay 365 maalin ka hor.

Si haddii loo eego inay badantahay umalaynaysaa laakin waxay ku xirantahay muuqaaladaada dhararkooda iyo inta qofka daawashadooda ku nagaaday ama daawanayay, marwalba oo muuqaalka la dhamaystana waa marwalba oo saacado badan aad hesho, haddii saacado badan la daawado muuqaalkaagana waad buuxin kartaa saacadaha youTube-ka ee ah 4000 saacadood.

Tusaale : waxaad soo duubtay wareysi ama qiso ama podcast xiiso leh kaas oo soconaya 1saac, haddii aad hesho 10k (10,000 views ah ) inla daawado Muuqaalkaaga, kana soo qaad avarege viewskaagu inuu yahay 30 daqiiqo, average views-na waxaa laga wadaa celceliska la daawaday muuqaalkaaga daqiiqad ahaan, haddaan kuu jilciyo halkaas, 10k ee muuqaalkaaga daawatay isku si uma daawadan qof baa 5 daqiiqo daawan kara , qofka baa 15 daqiiqo daawan kara , qof baa 30 daqiiqo daawan kara , qof baana dhamaysan kara gabi ahaan ba muuqaalkaas oo 60-ka daqiiqaba wada daawan kara.

Marka YouTube wuxuu samaynayaa wuxuu xisaabanayaa celceliska ladaawaday muuqaalkaas oo wuxuu isku dardarayaa dadku intay daawadeen wuxuna u qabaybinayaa inta qof ee ay ahaayeen ama inta qof ee daawatay muuqaalkaas, sidaasna waxaa loo xisaabaya natiijada imtixaanka ardayda markii natiijada loo soo dhajinayo, xisaab ahaana waxay noqonaysaa sidaan : haddiiba ay daawadeen muuqaalkaaga 4 qof uuna soconayay 1hour (1 saac) = 60 daqiiqo sidaan tusaalihii hore ku sheegnay, waxaan haysanaa xogtaan : qof inuu daawaday 5 daqiiqo, qofna15 daqiiqo , qofna 30 daqiiqo, qofna 60 daqiiqo celceliska la daawaday wuxuu noqon sidaan : 5+ 15+ 30 + 60 / 4 = 120/4 = 30 daqiiqo waa Average viewskii ama celcelsikii la daawaday muuqaalka.

Aan wada xisaabino saacadaha aanka heli karno tusaalaahas sare, Haddii aan haysano

  1. 10,000 views ah ama daawasho ah oo uu helay muqaalku
  2. 30 daqiiqo average views duration-ah, inta celcelis la dawaaday maqaalka.
  3. intuu muuqaalku soconayay oo ahayd 1hour= 60 daqiiqo.

Qaacido : Watch time (saacadaha ladaawaday ) = Daawashada uu muuqaalku helay * ( lagu dhuftay ) average views duration ( celceliska la dawaaday maqaalka ).

Saacdaha ladaawaday = 10,000 views * 30 average views. = 300,000 daqiiqo ( micnaheedu waa muuqaalkaas waxaa la dawaaday 300,000 daqiiqo ).

Anagana waxaa nala rabaa 4000 saacadood oo ka mida shuruudaha YouTube-ka, marka waxaan ku khasbanahay inaan 300,000 daqiiqo u badalno saacad ahaan , marka si aan u badalno waxaan ognahay in 1saac = 6adaqiiqo.

haddii :

1saac = 60 daqiiqo

x = 300,000 daqiiqo

Taas micnaheedu waa haddii 1saac ay le’egtahay ama la mid tahay 60 daqiiqo, hadaba 300,000 oo daqiiqo imisa saac ayaa ku jira, waana qaacido loo isticmaalo markaad laba wax is barbar dhigayso.

x = 1 * 300,0000 /60

x= 5,000 hours ( saac ).

La yaab , waxaadku buuxisay saacadihii YouTube-ka, hal muuqaal ayaadna shuruudii ugu adkayd ee youtubeka uga gudubtay, welibana 4,000 ayaa lagaa rabay laakiin waxaa noo soo baxay 5,000 oo saacadood.

Haddii ay dhibkugu tahay ama ay kugu adagtahay, 4,000 ee saacadood, waxaad samayn kartaa

2.10M Short views, Muuqaalada waxaa loo kala qaybiyaa long video iyo short video, haddii aad isleedahay waxaa kugu dhiba 4000 ee saacadood, shorts-ka waxaad ku badalan kartaa adoo keenaya ama muuqaaladaadu helayaan 10M Daawasho ah 90 maalin, waana adagtahay si haddii loo eego waayo waxaa kooban waqtiga, aniga waxaa ila fudud inaad muuqaal dheer oo wax faaiido leh xambaasan aad soo galiso ka dibna si fudud aadku buuxiso 4,000 ee saacadood ee uu YouTube-ku kaa rabo.

Markaad buuxiso shuruudaha asaasiga ah ee laga rabo qof walba oo YouTube-ka kusoo biiray , waxaay Review ku samaynayaan kanaalkaagu inuu uqalmo in lacagta loo soo fasaxo iyo in kale. waxaadna maraysaa si review loogu sameeyo kanaalkaaga waxyaabahaan soo socda :

  1. Google AdSense inaad ku xirto YouTube-kaaga : Markaad Google AdSense ku xirayso YouTube-kaaga waxaa lagaa rabaa inaad haysato gmail ka diwaangashan website-ka Google AdSense, marka lababa adaa u door leh, haddii markii ugu horey aad iska diwaan galinayso Google AdSense , waxaaad dooran kartaa Create new account, Haddii aad gmail-kaagu horey ugu diwaan gashanaa Google AdSense ama aad horey u isticmaashay waxaad dooran kartaa Existing Account,
  2. Accepting Basic Rules : Waxaad aqbalaysaa xeerarka u yaala YouTube-ka ama laga rabo inuu raaco qof walba oo YouTuber ah adoo Tick-ta saaraya box-ka yar ee ka horeeya xeer walba.
  3. Review : marka aad dhamayso labada Xeer ee Hore waxaad sugaysaa ilaa inta ay ku soo aqbalayaan ama ay kusoo diidayaan, kanaalada qaar waxay ku qaadataa 12saac gudahood in lagu soo aqbalo qaarna 2-3 asbuuc qaarna Bil, Laakin waxaad ku go’aan qaadanaysaa fariinta Gmail-ka ah ee ay ku soo dirayaan.

marka laba waxyaaboodba waa macquul in lagu soo aqbalo iyo in lagu soo diido, haddii lagu soo aqbalo Gmail hambalyo ah ayay kuu soo dirayaan oo ay kugu leeyihiin soo dhawoow waxaad ka mid tahay YouTube Partner Program ( Ypp) Waxayna ku leeyiiin waxaad lacagaysan kartaa ama lacagta u furan kartaa muuqaaladaada dhamaan muuqaaladaada ayaad xayaysiinta YouTube-ka saarsan kartaa, wixii ka dabeeyana kanaalkaagu lacag ayuu shaqayn karaa.

Laakin haddii lagu soo diido sababta ugu weyn ee la isku soo diido ama ay ku diidi karaan wa inaad isticmaashay muuqaalo aadan originalkooda lahayn (Un-original content) sida inaad YouTube kale ka soo qaadatay oo aad sidoodii usoo dhigtay iyo inaad soo galisay muuqaalo galmo ka hadlaya iwm, waxyaabaha uu YouTube-ku rabo iyo waxyaabaha uu oogalyahay halkaas ayaad ka ogaan kartaa.

Talo : Haddii aad mustaqbalka rabto YouTube-ka iyo aaladaha lamidka ah sida Facebook inaad ka qadayso waa inaad la timaadaa muuqaalo oringal ah oo aad adiga gacantaada ku duubatay ku Edit-garaysay, haddii kale kanaalkaagu halis ayuu ku jiraa wuxuuna halis ugu jiraa Copyright Strike , hadaad copyright ka badbaadana YouTube-ka ayaa ku ogaanaya inaadan muuqaaladaan originaalkooda adigu lahayn, Ka dibna lacagta ayaa lagaa joojin.

Qaabka 2aad : Xayaysiinta ganacsigaaga :

Qaabkaan waxaa weeye inaad dadka kaga gado waxyaabaha aad iibiso sida Courses Online ah , alaab aad gado adoo muuqaalka soo duubaya ka dibna dadkii u baahnaa ay kula soo xiriiraan adna aad halkaas macmiil ka hesho iwm.

Hadaad leedahay ganacsi bilow ah oo aan macmiil fiican lahayn waxaad dhisan kartaa kanaal YouTube ah ka dibna halkaas ayaad ku soo baahin kartaa alaabtaada lambarkaagana hoos ayaadku soo qoran kartaa, sidoo kale xayaysiinta YouTube-ka waad saarsan kartaa markaa oo dadka daawanaya dawaashadooda ayaad lacag ka samayn kartaa.

Qaabka 3aad : Xayaysiinta shirkadaha ama Ganacsiyada :

tani waa inaad clip-yar oo ka hadlaaya waxaad xayaysiinayso aadku soo darto muuqaalkaaga ama animation fariin xambarsaan, oo aad soo saarto muuqaalkaaga, ka dibna aad lacag ka qaado dadka aad alaabta u xayaysiinayso siduu heshiisku ahaadaba marmar waa 6 bilood marmarna waa sanadle.

Tanina waa hal dhagax ku dil laba shimbirood, oo xayaysiinta aad muuqaalkaaga saartayna waxaad lacag kaga qaadaysaa Company-ga xayaysiinta leh sida Paysii , somtel Wafi iwm , dhanka kalena YouTube-ka ayaa lacag kugu siinaya oo daawashada ayaad lacag ka samayn

Qaabka 4aad : Affiliate Marketing :

Waxaad Ku Xiriirinaysaa Stock Affiliate ah sida Shopify, Amazon iwm, ka dibna qof walba oo alaabtaas gata waxad ka helaysaa commission oo laga wada lacag ay ku siinayaan company-ga aad alaabta u xayaysiinayso markii alaabtooda la gato ama waxaad soo dhigi kartaa Muuqaalkaaga description-kiisa.

Tusaale : Waxaad soo dhigi kartaa qalabka aad u adeegsato Muuqaal duubistaada sida Camerada Adoo soo qaadanaya link-gaaga affilite marketing ah ee aadka haysato shirkadaha bixiya commission-ka sida Amazon iwm, qof walba oo linkaaga waxka gatana commission ayaadku helaysaa.

Gabogabo :

Qormadaan waxaan kaga hadlay qaababka ugu sahlan ee lacag looga samayn karo YYouTube-ka, Waana qababka ugu caansan dhanka soomaalida ee lacagta uga samayso.

sidoo kale YouTube-ka iyo Googe AdSense makala maarmaan, oo lacagtaa aad ka shaqaysato Youtube-ka waxaa laguu dirayaa Google adsense-gaaga ka dibnab Google ayaa ku soo diraaya lacagtaada, haddii aad rabto inaad wax badan ka ogaato Google adSense waxaan ka diyaariyay maqaalkaan ee akhri ( Waa maxay google Adsense ? ), hadaad su’aal qabtana ama waxaad jeclaan lahayd inaan ka soo hadalno qaybta comment-ga iigula wadaag waanka soo hadlaynaa inta awoodayada ah mahadsanid.

More Info

Created by : Mohamud abshir Youtube keena M. abshir

Images : pixabay.com | Pexels.com

Related articles : Waa Maxay Google AdSense?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *