Ciwaanada Maqaalka :
Hordhac :
Saanu wada ognahay tiktokdu waa application laga helaayo dhamaanteen Mobiles-keena, haddii laga helina qof walba waa isticmaalay. maqaalkana ugu warami maayo muxuu yahay waxaan kuugu sheegayaa 7 qaab oo aad lacag uga samayn karto tiktokda.
Nuxurka Maqaalka :
Waxa jira habab kala duwan oo tiktok-da lacag looga sameeyo, waxaana ugu caansan 7daan qaybood ee soo sosocda :
Qaabka 1aad: Tiktok live
Qaabkaani waa qaabka ugu caansan ee soomaalidu lacag uga samayso tiktok-da, waana qaabka ugu howsha yar waxaana weeye inay dadka live kaaga imaanaya ay deeq gift ah kuu diraan, gift-ga ay kuu direen asxaabtaadu wuxuu isku badalayaa coins ka dib coinskaas ayaad sarifaysaa waxadna u badalaysaa lacag caadiga oo dollar ah.
wax walba waxay l;eeyihiin khasaare iyo faaiido, halkaan hoosana waxaan kuu dhigay faaiidooyin iyo khasaare laga dhaxlo tiktok live.
| FAAIIDO | KHASAARE |
|---|---|
| 1. waa il dhaqaale oo waxaa kaa soo gali kara lacag ay ku siinayaan dadka asxaabtada ah | 1.Waa tuugsi, oo waa waa ceeb inaad ruux facaa ah aad wax weydiisato sida inaad ku dhahdo libaax ii dira waa layga koreeyaa iwm. |
| 2. waa laysku caawiyaa oo inta badan dadka aan waxba haysan ama dadka hawsha gaarka ah ku taagantahay cimaamad ayay soo dhagsadaan | 2. lacagta gifts layskugu diro qayb waxaa goosta tiktokda, tusaale qof haddii loo diro 100000k coins waxaa laga yabaa inuu tiktokdu goosto 5000 coins kaas ka mida qofkiina uu helo 95000k coins. |
| 3. Ma oogala in laysku dhex qaawiyo live ka dhexdiisa, hadii ba ay dhacdo inaad isku dhex qaawiso tiktok live ka dhexdiisa oo cawradaadii la arko waxaa lagaa xirayaa live ka, taasna waa sumcad iyo sharaf in qofku asturnaado oo uusan dadka ku xiran fasahaadin. | 3.haddii qof la caawinaayo maskiin ah lambarkiisa shaashada lagama soo muujin karo in afka laga naadiyo maahane. |
Qaabka 2aad : Xayaysiinta Ganacsiyad :
Qaabkani waa qaab ka mida qaababka tiktokda lacagta loo sameeyo, waxaana inta badan sameeya dadka caanka ah ama followers-ka badan haysta, waxayna booqanayaan goobaha gaacsiyada ka dibna alaabta ay rabaan dadka ganacsiyada leh in loo xayaysiiyo ayay u xayaysiinayaan k dibna waxay ka qaadanayaan lacag, waana qaab sahlan oo dadka caanka ah ay lacag uga samayn karaan tiktokda.
| FAAIIDO | KHASAARE |
|---|---|
| 1. lacag dagdag ah ayaa jeebkaaga kusoo dhacaysa isla markiiba, oo markaad xayaysiinta aad dhamaysaba lacagtaadi waad heli | 1. waxay u baahantahay inaad qalab muuqaal tayo sare leh duubaya aad wadato, sida camerad ama iphones wax fiican duubaya. |
| 2.waqti yar ayay u baahantahay inaad alaabta muuqaal ka duubto, oo maalintii waxaad samayn kartaa xayaysiimo badan | 2. waxaaa lagaa rabaa qof hadalka ku fiican inaad tahay oo dadka alaabta ka gadi kara waxna dhaadhicin kara si macmiil badan u soo dalbadaan ama u gataan alaabta aad xayaysiinayso. |
| 3. marwalba oo aad xayaysiin samayso waxaad noqonaysaa qof ay ku hamiyaan ganacsiyo kale oo kalsoonida laguugu qabo ayaa kordhaysa. | 3. Ganacsadeyaasha qaarkood waxay rabaan lacag aan u qalmin xayaysiinta in shaqada loogu qabto, adaana garanaya saad u xal gaari lahayd. |
| 4. Waxaa kaaga kordhaysa khibrad iyo waaya aragnimo oo waxaad baran meelaha ay muhiimka tahay in laga hadlo markii alaab la xayaysiinaayo | 4. way adagtahay inaad hesho dad kugu kalsoon oo xayaysiin raba, haddii aadan ahayn qof saaid looga yaqaan bulshada dhexdeeda. |
| 5. waxaad ku baranaysaa qaabka dadka loo dhex galo loona baarto shaqadaad rabto. | 5.Qof kula shaqeeya oo wax kaa duuba waad u baahantahay, oo walibana u tababaran qalaba aad adeegsanayso sida hadaad camerad isticmaalayso iwm. |
Qaabka 3aad : Xayaysiinta Videogaaga aad ku soo darayso :
Hadaad tahay qof muuqaal saameeye ah weliba tiktok-da muuqaalo soo dhiga waxaad samayn kartaa Xayaysiin animation ah ama muuqaal aad adiga ka duubtay Ganacsiga ama shirkada aad xayaysiinayso inaad muuqaalkaaga kusoo darto, ka dibna qof walba oo u baahan alaabtaas waxaa uu la xiriiri doonaa shirkadaas ama ganacsiga aad alaabtaas u xayaysiinaysay adna lacag sanadle ah ama bille ah ah ayaadka qaadaysaa.
Laakin waxay u baahantahay inaad shirkada amaganacsiga aad u samaynayso xayaysiinta aad il dheer isaga eegto aadna Heshiisyo adag aad la gasho, haday kaaga laabtaan heshiiskaasna aad u sheegto waxa dhici kara.
| FAAIIDO | KHASAARE |
|---|---|
| 1.waa ilo dhaqale kaasoo gaalaayo waqtigeeduhaba dheeraadee. | 1. Waxay kaa maqnaan lacagtu waqti dheer. |
| 2. Waaxay ka lacag badantahay xayaysiinta aad tagayso ganacsiga ka dibna aad alaabta sooo duubayso. | 2. Marmarka qaar waxaa laga yaabaa in heshiiskii lagaaga baxo lugula galay. |
| 3. markay dadku muuqaaladaada ku arkaan xayaysiin dad badan ayaa kula soo xiriiri doona oo ku oran doona anagana noo xayaysii. | 3. Marka hore way adagtahay inaad hesho xayaysiin iyo shirkado aad wax u xayaysiiso |
Qaabka 4aad : Video Gift :
Tiktokgu wuxuu leeyahay Video button kaas oo laga helo markaad ku dhufato qaybta commentiga, waana la furtaa, wuxuuna kuu sahlayaa adoo offline ah oon live imaan inay dadka ka hela muuqaladaada ay gift ku soo diri karaan.
| FAAIIDO | KHASAARE |
|---|---|
| 1. lacag hawl yari ah oo aadan cidna weydiisan waqtina aadan ku bixin ayaa ku soo galaysa. | 1. Waxay u baahantahay dadaal inaad ku bixiso muuqaalkaaga si aad u kasbato gift yacnii muuqaal qurux badan waa inaad soo soo samaysaa. |
| 2. Ehelkaaga iyo asxaabtaada waxay ku diri karaan gift hadaadan live soo galin. | 2. way adagtahay in dadku lacag kuugu deeqaan, dadka qaarkood waxay jecelyihiin inay meel public ah wax kula baxaan. |
| 3. mamarka qaar uma inuu muuqaalku love badan haysto | 3. waxaa loo baahanyahay inaad wajigaaga aad soo dhigto ama lagu yaqaano, khasabna maahan. |
Qaybta 5aad : Tiktok Quseeya Ganacsigaaga :
Waxaad samayn kartaa inaad account quseeya ganacsigaaga aad furto ka dibna aad ku soo bandhigto alaabtaad gadaysay ama inaad ku soo bandhigto adeegyada aad qabato sida inaad tahay graphic designer iwm.
| FAAIIDO | KHASAARE |
|---|---|
| 1. Waxaad si fudud ku gaarsiin kartaa badeecada aan gado ama adeegyada aad qabato, ka dibna macmiil ayaad heli kartaa. | 1. waxay ubaahantahay inaad dadaal dheer muujiso sida inaad muuqaalo duubto joogtayna aad la timaado si aad dad badan gaaroto. |
| 2. waa sida ugu fudud ee ganacsigaagu caan ku noqon karo dad badana uu ku gaari karo. | 2. waxaad u baahantahay qof wax ka yaqaan tiktokda sida muuqaal loo dhigo yaqaanana isida loola macaamilo dadka alaabtaada ama adeegaaga u baahan. |
| 3. caan ayaad ku noqon kartaa adoo aan u ordin basha caanimada la yiraahdo | 3. Waxaa lagaa rabaaa inaad waxka taqaan qaabka muuqaalada Loo Edit gareeyo |
Qaabka 5aad : Creator Reward Program
Qaabkaani waa qaab ka mida qaababka tiktokda lacagta looga sameeyo, qaabkaan waxaad lacag uga samayn kartaa tiktokda views-ka, love-ta iyo camment-ga ay muuqaaladaadu helaan.
hadaba si aad uga samayso muuqaalada aad tiktokdaada soo dhigto waxaaad u baahantahay inuu tiktok accountigaagu ka samaysanyahay sideedaan wadan midkood ( US, UK, Germany, Japan, South Korea, France, Brazil & Mexico ).
Shuruudaha : Waxaa jira 3 shuruudood oo asaasi ah si aad Lacag uga samayso barnaamijka creator reward program, waana kuwaan hoose :-
- Fallowers-ka : inaad haysato ugu yaraan 10k followers ah.
- Da’aada : inaadka wayntahay 18 sano, waxaa lagaa rabaa markaad samaysanayso tiktokda inaadka dhigato da’ ka weyn 18 sano.
- Daawashada : waa in lagu daawadaa ugu yaraan 100k oo jeer 28 bari ee la soo dhaafay.
intaas waxaa dheer si aad muuqaaladaada lacag uga samayso waxaa lagaa rabaa muuqaalo soconaya ka badan 60 second. midna ogow intaadan codsan lacagta waxaad shuruudaha ku buuxin kartaa muuqaalo soconaya ka yar 1 daqiiiqo ( 1 minute ). Laakiin markaad lacagta codsato waxa lagaa rabaa muuqaalku inuu ka dheeryahay ama uu ka badanyahay 1 daqiiqo (1 minute ) si aad lacag u hesho.
Muuqaalada soomaaliya maka soo dhigi karaa si aan lacag uga sameeyoo tiktok-da ?, Haa waadka soo dhigi kartaa umana baahnid inuu qof kale kuu soo dhigo muuqaaladaada ama tiktokdaada qof kale kuu hayo, laakin waxaa muhiima marka koowaad in tiktokda laga sameeyo wadamadaan ( US, UK, Germany, Japan, South Korea, France, Brazil iyo mexico ).
Haddii aadan haysan qof eheladaada ah oo jooga 8daas wadan ee kor ku soo xusay, waxaad igala soo xiriiri kartaa lambarkaan whatsAppkiisa (+252702110690 )adiga oo wata khidmada accountiga laguugu furaayo oo ah 4 dollar oo kaliya.
Qaabka 6aad : Affiliate Marketing
Qaabkaani waa qaab ka mida qaababka aad Tiktokda lacag uga samayn karto qaabkaanina wuxu u shaqeeyaa inaad online ka wax ku gado ka dibna aad commission aadka hesho.
Aan kuu faahfaahiyo alaab ayaad waxaad ka soo qaadan online stores-ka sida Alibaba. ka dibna meeshaad ku xayaysiinaysay ayaad linkalaabta soo dhigaysaa , marka si aad traffic ama macmiishii u baahnayd u gaarsiiso tiktok account ayaad furan muuqaal gaaban aayaad ka samayn ka samayn link alaabtana waxaad soo saaraysaa profile ka tiktokdaada, qof walba oo u baahana halkaasa ayuu ka qadan qof walba oo ka gata link-gaagana waxaadka helaysaa commission ama khidmad.
Qaabka 7aad : Inaad dadka u furto account leh creator reward Program.
Qaabkaan waa xeelad Farsamaysan una baahan daacadnimo iyo masuuliyad, qaabkaan waxaad dadka ka caawinaysaa Inaad u samayso tiktok account dibada ah si ay dhaqaale uga sameeyaan.
waxaa loo baahantyahay inuu kuu jooga qof saaxiibkaa ah oo kaa caawinaaya furida account-ga 8da wadan ee uu ka shaqeeyo creatot Reward Program ( US, UK, Germany, Japan, South Korea, France, Brazil & Mexico ).
Hadaad hadda ku haminayso inaad hesho tiktok accountigaasna waxaad igala soo xiriiri kartaa, whatAppkaan +252702110690 , Waxaana kuugu shaqaynaynaa qiimo aad u hooseeya oo ku raali galiya.
Gabogabo
Maaqaalkaan waxaa jeclahay inuu noloshaada wax ku soo kordhiyay, waxana ku sharaxay qaababka ugu sahlan ee tiktokda lacag loo samayn karo.
Hadaadan ogayn waxan jeclahay inaad hadda ogaatahay qaababkaan aad tiktok lacag uga samayn karto.“waqtigaaga ha iska lumin, hana kuu noqdo mid waxtar kuu leh “.
mardhowna shaqadu waxay isku badalaysaa online marka hadda bilow safarkaaga dhaqaale oo yaan lagaa tagin, intaan mar danbe ka kulmayno waa walaalkiin Mohamud Abshir oo idin Guuleysta.
More Info :
Created by : Mohamud abshir | Youtube keena M. abshir
Images : pixabay.com | Pexels.com
Related : Erayo Jacayl ah Oo Qofkaaga ku haboon | Jacayl | Q: 17aad





