Jacayl

Oraahyo jacayl ah Oo Qiiro ah | Jacayl |Q : 12aad

Hordhaca Maqaalka

Maqaalkan waxaa ku sugan oraahyo jacayl ah kuwaas oo aad ku oran karto qofkaad sheeko wadaagtaan aadna ku soo jiidan karto qalbigiisa, fariimahaan waa fariimo baaridooda waqti badan lagu baxshay si layskugu keeno ama loo soo gudbiyo waxayna u qalmaan xitaa in sida courses-ka khadka lagu iibsho lagaa gado, laakin saaxiib si free ah ku qaado waana kuwaan een akhris haboon ,

ADEEGYADAAN QABANO : Haddii aad rabto in laguu sameeyo website xayaysiinleh sida keenaan oo kale soomaaliga ah iyo mid English ah igala soo xidhiidh whatsAppka lambarkaan : +252906607535

Nuxurka Maqaalka

Oraahda 1aad Ee Oraahyo Jacayl ah : Fariintaan waa fariin alle xamdi iyo kalsooniyi ku dheehantahay waxayna oranaysaa sidaan : ” alxm waqti xaadirkaan, waayo waxaa jiray waqti aan ku hamin jirey inaan helo shaqsi sidaada oo kale u wanaagsan nolosheydii”.

Oraahda 2aad Ee Oraahyo Jacayl ah : Fariintaan waxay leedahay waxaan dadka ugu sareeyaa markaan laabtaada ku jiro , sidaasna waxaa oranaya fariintaan jacaylka ah : “Qalbi ma ogtahay inaan qiyaasi karin sidaan dareen ahaan isku badalo markaan laabtaada ku jiro waayo waxaan dareemayaa naxariis iyo wehel buuxa “.

Oraahda 3aad Ee Oraahyo Jacayl ah : fariintaan jacaylka ah waxay leedahay naftayda ayaa kugu qanacday, waxayna oranaysaa sidaan : ” weligay ma joojin doono inaan kugu duceysto waayo waxaad ii tahay shaqsi aad iyo aad u muhiim ah noloshayduna ku qanacday “.

Oraahda 4aad Ee Oraahyo Jacayl ah : fariintaan waxay oranaysaa, waxaan nasasho ku dareemaa laabtaada, sidaasna waxaa oranaysa fariiintaan jacaylka ah ee soo socota : “Meel aan ku nasto waxaan ugu jeclahay laabtaada mana laga yaabo inaan ka fogaado “.

Oraahda 5aad Ee Oraahyo Jacayl ah : ka waran hadday jirto fariin jacayl ah oo ka mahadcelinaysa isbarashadiinii, sidaasna waxaa oranaysa fariintaan jacaylka ah : ” aniga iyo adiga inaan isbarano waa siduu ilaahay qoray waxaana ilaahy waydiisanayaa inuu calafkayga kaa dhigo waayo waxaa wax lagu badasho jirin naxariistaada iyo dabeecadaada hodanka ah.”.

Oraahda 6aad Ee Oraahyo Jacayl ah : Ka waran wanaaga qofkaaga hadaad aaminsantahay inuu yahay mid sare sidaasna waxaa oranaysa fariintaan jacaylka ah : ” haddii aan awoodi lahaa dunidoo dhan waxaan u sheegi lahaa jacaylka aan kuu qabo, qalbi inaan kugu faano mooyaane kaama faanayo waayo saaid ayaan kuu jecclahay”.

Oraahda 7aad Ee Oraahyo Jacayl ah : ka waran xuurul cayn hadaad ku tilmaaanto qoftaada sidaasna waxaa oranaya fariintaan jacaylka ah : ” dumar waa la jeclaadaa laakin aniga taan helay dumar lama oran karo ee xurul cayn waana adiga yarey qoftaas”.

Oraahda 8aad Ee Oraahyo Jacayl ah : kawaran qofkaaga hadad u balan qaado inaad ugu naxariisan doonto sidii cunug yar oo aad dhashay, sidaasna waxaa oranaya fariintaan jacaylka ah : ” waa balan inaan kuugu naxariisan doono sidii cunug aan dhalay , waxkalena maahane adaa iga samaystay hppi “.

Oraahda 9aad Ee Oraahyo Jacayl ah : Waxaad tahay garabkayga waadna igu faantaa, sidaan waxaa oranaya fariintaan jacaylka ah : ” isma lahayn waxaan hantiyi doontaa qof garabkayga ah iguna faana waana helay alxm waana adiga qalbi “.

Oraahda 10aad Ee Oraahyo Jacayl ah : Qalbi aamanaysi ayaya ka hadlaysa fariintaan jacaylka ah waxayna oranaysaa sidaan soo socota : ” Qalbi waxaan kugu amaanaystay qalbi aan aqoonin khiyaanada iyo isdaba-marinta, adna ii noqo daacad oo iga ilaali waxyaalahaas”.

Oraahda 11aad Ee Oraahyo Jacayl ah : ka waran gabdhada hadaad ku dhahdo waxaan kuu xiri doonaa taashka arooska , sidaana waxaa oranaysa fariinta aadka u macaan ee jacaylka ahe ee soo socota : ” waxaad tahay gabadha kaliya ee maalin aan u xiri doono taajka arooska waayo inta dumar facaa adduunka ku nool waad iiga doorantahay indhahaygii”.

Oraahda 12aad Ee Oraahyo Jacayl ah : hadaad murug dareeto ii kalay sidaas waxaa oranaya fariintaan jacaylka ah ee soo socota : ” haddii aad murugo dareento ii kaalay waayo waxaan rabaa dhib iyo dheef ba inaan isla qaybsano nolosheydii”.

Oraahda 13aad Ee Oraahyo Jacayl ah : mar ilaahay maka bariday inuu xalaashaada kadhigo gabadha aad wada sheekaysataan, sidaasna waxaa oranaya fariintaan jacaylka ah ee soo socota : ” dulqaadkeeda iska daaye naxariisteeda iyo daryeelkeeda ayaa wax loo dhigaaba jirin, ilaahow waad i tustay wanaageedee ka dhig xalaasheyda aamin yaa rabbi”.

Oraahda 14aad Ee Oraahyo Jacayl ah : kulaya ciraarayaa laakin dareenkaaga kuma ciyaaro doono , waxaa oranaysa fariiintaan jacaylka ah : “Qalbi balan qaadkuu hayaa waana sidaan ‘ waaan kula ciyaari doonaa mooyee kuma ciyaari doono dareenkaaga ‘ “.

Oraahda 15aad Ee Oraahyo Jacayl ah : gabar gabar dhaaftay ayaan bartay, waxaa oranaysa fariintaan jacaylka ah ee soo socota : ” gabar waala bartaa laakin mida dookha iyo nasiibku i bareen gabar maahan waa xurul cayn dhabtii, waana adiga qalbi”.

Oraahda 16aad Ee Oraahyo Jacayl ah : adiga ayaan ku dooran lahaa haddii public laygu weydiiyo yaad adduunka ugu jeceshahay, waxaa oranaya fariintaan jacaylka ah soo socota : ” haddii camerada horteeda laygu weydiiyo yaad adduunka ugu jeceshahay markii laga yimaado labadaada waalid ?, bilaa shaki waxaan oran lahaa adiga, waayo qalbigayga ayaad jacayl iyo naxariis ka buuxisay mcn.”.

Oraahda 17aad Ee Oraahyo Jacayl ah : Woow , jacaylka aanku aaminsanahay waxaan aaminsanahay inaad dadka ugu sarayso sidaas waxaa oranaya fariintaan jacaylka ah :”waxwalba waan heli karaa laakin ma aaminsani inaan heli karo qof sidaada oo kale ah , marka marna ha cidlaynin naftaadan dadka kuugu jecel qalbi”.

Oraahda 18aad Ee Oraahyo Jacayl ah : si walba oo aan u kala fognahay , qalbigaan kaa jeclahay , fariintaan jacaylka ah ayaa sidaas oranaysa : ” si walba oo aad iiga fogtahay qalbigayga kama baxdo waxaadna tahay qofka marwalba xasuustayda ku laalaabta taasna waa inaan dadka kaa jeclahay noloshaydii “.

Oraahda 19aad Ee Oraahyo Jacayl ah : qalbigayga ayaad xaday ayay leedahay fariintaan waana jacaylka aan ku jeclaaday aawadiis, sidaas waxaa oranaaya fariintaan jacaylka ah : “ allaha maxaad qalbigayga xaday, waayo xitaa hadaan meel cidlo ah fariiso oo aan iska fakaraayo qalbigaygu aduu kula jira Hppi”.

Gabogabo

Maqaalkan sare waxaad ku soo aragtay fariimo ama oraahyo jacayl ah oo aad iyo aad u qiimo badan kuwaas oo shukaansigaaga aad ku quruxsan karto aadna u isticmaali karto shukaansigaaga maalinlaha ah hadaad wax ka faaiiday qaybta commentiga ayaa inoo balana saaxiibayaal mahadsanidiin.

More Info

created : Mohamud abshir | Youtube keena M. abshir
Related : Fariimo shukaansi ah | jacayl
images : pexels.com | pixabay.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *