Ciwanada Maqaalkan :
Meesiga arigu waa meesi ka mid ah meesi xoolaadyada soomaalidu dhaqato, waana meesi waxtar u leh soomaalida waxaana laysku dhahaa ama uu isagu jiraa laba qaybood oo waawayn oo kala ah Ido Iyo riyo.
faaiidooyinka Ariga
Arigu wuxuu inoo leeyahay faaiidooyin badan sida ku cad qoraalkaan hoose:
- waan qalanaa : ariga waala qashaa si looga helo hilib siiba waqtiyada loo baahdo sida waqtiga marti soorka.
- waala gataa : ariga waala gataa si loogu guto baahiyo badan sida in lacagtiisa wax baahi loo qabo lagu soo gato sida raashin dhar iwm.
- waa la maalaa : ariga sida geela waa la maalaa waxaana laga helaa caano faaiido u leh jirkeena.
- waxaa la siiyaa martida : waxaan siinaa dadka martida ah kuwaas oo xoolo naga raba sida dadka xigtada ah.
- waxaan u qalnaa martida : waxaan u qalnaa dadka martida ah kuwaas oo nagu soo hoyanaya, si aan ugu wanaajino marti soorkooda, marti soorkoo la hagaajiyana waa amaantay diinteena suuban.
- waxaa loo isticmaalaa daawo ahaan : si gaara meesiga idaha ayaa daawo ahaan loo isticmaala waxaan lagu daaweeyaa xanuuno fara badan subagooda.
- waxaa laga helaa Subag ama sixin : caanaha riyaha markii la lulo waxaa laga helaa subag ( sixin) kaas oo waxyaalo badan daawo u ah sida hargabka iwm.
intaad kaliya maahane waxaa uu inoo lahaan karaa faaiidooyin kale oo badan laakin intaas ayaan ugu talo galay qoraalkaan.
Qaybaha Ariga
Si guud meesiga ariga ah wuxu ka koobanyahay laba qaybood oo kala ah :
- Riyo ( ari cad )
- Ido
Riyaha
qaybta ariga ka mida ee riyaha ah waa qaybta geeska leh ee ariga ka mida, sidoo kale waa qaybta loo yaqaan ari cad, kalmada ari cad waxaa laga wadaa maahan qaybta madax madaw ee idaha inkastoo ari cadkaba ay ka mid noqon karaan riyo ama orgi madmadaw laakin asalkoodu waa ari cad.
Qaybaha Riyaha

Qaybtaan riyaha ah waxay ka koobantahay qaybo kala duwan oo ah lab iyo dhedig waxana lakala yiraahdaa (ri oo ah qaybta dhedig ee ariga iyo orgi oo ah qaybta lab ee riyaha).
Eray Bixinada Riyaha
inkastoo ay jiraan eray bixino kale oo hoos yimaada qaybahaan hoose ee labka (orgi )iyo dhediga(Ri), haddana waxaan arkaynaa eray bixinadaas loo yaqaan qayabaha riyaha.
Sogob : waa orgiga xaniinyaha laga baxshay ama la tumay si loogu isticmaalo in la gato ama wax kale looga faaiidaysto.
Qoor : waa orgiga loo reebo riyaha si uu u orgeeyo ama u tarmiyo oo ay waxaro u dhalaan.
waxaro : waa dhasha riyaha ama si kale ciyaalka riyaha.
Doori : waa waxarta yar ama orgiga yar ee riyaha nuuga markuu qarka ugu tago.
kolmo : waa wax kas oo baxa rida surkeeda waana labo xabo marmarna waxay noqdaan hal xabo. qaab ahaana waa labo wax oo dhuudhuuban oo ka laalaada rida, waana ku dhashaa neefka ariga ah.
dhutin : waa marka rida ay qodaxdu mudo calaamada ay muujiso.
Qool : waa meesha lagu xiro waxaraha markii riyaha loo dhigaayo.
Ceesaan : waa marka neefka rida ah uusan weli dhalin waxarna uu ka waynaado.
ma dhasho : waa neefka rida ah ee aan dhalin.
Bohon : Origiga aan xaniinyo muuqda lahayn.
Labeebshe : waa neefka riyaha ah ee isugu jira lab Iyo dhedig.
Sonyo : waa neefka Rida ah ee aan geesaha lahayn.
Intaas hadaan uga soo baxno Riyaha Hadeerna waxaan waxka oranaynaa idaha.
Idaha

Iduhu waa Qayb ka mida meesi xoolaadka Ariga waxayna caan ku yihiin saddex wax
- Dhogor badan : iduhu waa ka dhogor badan yihiin riyaha waxayna leeyihiin dhogor sida suufkii oo kale ah.
- Bari : idubu waxay leeyihiin cad( hilib) baruur ah oo ka saaran qaybta danbe ee jirka taas oo la yiraahdo bari, markii la qalo neefka idaha ah subaga laga shiilo markii ma la shiilo qaybta barida subaga laga shiilo ayaa waxaa la yiraahdaa bari idaad, waxaana loo isticmaalaa daawaynta waxyaabo badan.
- Madax madaw : iduhu waxay caanku yihiin ama badankoodu leeyihiin madax madaw kaas oo ay kaga duwanyihiin riyaha.
fiiro gaar ah : iduhu madax madaw mawada lahaan karaan qayb ka mida madax cad ayay lahaan kartaa laakin asalka iduhu waa madax madoow.
Qaybaha Idaha
Iduhu waxay leeyihiin ama u kala baxaan laba qaybood oo waawayn waana sidaan :
Qaybta dhediga ( lax) iyo Qaybta labka (wan)
Qaybta dhediga ah (lax) waa qaybta idaha ee hooyada ah ama qaabilsan qaybta hooyonimada, qaabilsana inay barbaariso dhasha yaryar ee idaha oo loo yaqaan baraar.
Qaybta labka ah (wan) : qaybtaan waa qaybta ninka ah ee idaha waxaana loo isticmaala u jeedooyin kala duwan sida inay idaha tarmiyaan iyo inla gato iwm.
Eray Bixinta Idaha
Wan : waa qaybta labka ah ee idaha.
Lax :waa qaybta dhediga ah ee idaha.
Sumal : waa wanka loo reebo si uu idaha turmiyo isagoo lagu doortay muuq wanaag ama fir wanaag iwm.
Baraar: waa dhasha yar yar ee idaha
Nayl : waa qayb ka mida dhasha idaha laakin waa inay tahay dhedig.
Gabal : waa barta cad ee idaha kaga taal madaxa bartankiisa, qaab ahaana waa goobo ama wareeg.
Macal : waa cadka ka laalaada neefka idaha ah qaybta madaxa ee dhulka xigta ee loo yaqaan booca.
bari : waa cad baruur ah ee ka saaran idaha qaybta danbe ee dibka , waxayna ku xirantahay sida neefka idaha ah u buuranyahay marwalba oo neefka idaha ah buurto waa marwalba oo ay sii waynaato baridu, marwalba oo uu neefku caato noqdana waa sii yaraataa.
Galaalan : waa midab cad oo inta badan kasoo bilowmada jeega neefka idaha ah oo gaarsiisan illaa madaxa bartankiisa.
Shobacas: waa nrefka idaha ah ee madaxa gaduudan
ma dhasho : waa neefka idaha ah ee aan dhalin
Dhukan : waa neefka idaha ee dhagaha yaryarka ah leh, erayga dhukana waxaa loo yaqaan neefka xoolaha ah ee dhagaha yaryar.
meelo ay iska mid yihiin idaha iyo riyuhu
- Waa qoobley : idaha iyo riyuhuba waxay leeyihiin qoob ama raaf.
- xagga sidka : idaha iyo riyuhuba waxay ku dhalaan 5bilood.
- magaca Ari : waxay wada wadaagaan magaca ari oo haddii aad aragto ido ama riyo waxaad oranaysaa ari ayaan arkay.
- Xagga dhararka : waxay iska le’egyihiin xagga dhararka.
- ma dhasho : xagga magaca neefka aan dhalina way wadaagaan, oo neefka aan dhalin waxaan la oranayaa ma dhasho.
Erayo Jamac Iyo Mufrada ah
labadaan Eray ee jamac iyo mufrad waa laba eray oo la xiriira imisa xoolo ah ayaa tilmaamaysa.
Jamac ( wadar ) : waa eray muujinaayaa wuxu haday ka badanyihiin 1, marka wax walba oo ka badan 1 waxaa la oranayaa waa jamac ama wadar.
Mufrad (kali ) : waa lidka wadar ama jamac waxaana loo isticmaalaa wax walba oo 1 ah.
Tusaale : waxaa hortaada maraya wiilal gadaashaadana waxaa socda wiil. Marka waxaan ku muujinaynaa labadaan kalmadood ee kala ah (jamac iyo mufrad ), wax walba oo ka badan waa jamac marka wiilal maadaama wiilal ay ka badanyihiin 1 wiil waxaan u isticmaalaynaa waa jamac ama wadar, badalkeeda maadaaba uusan ka badnayn wiil 1 qof oo uu yahay 1 qof waxaan u isticmaalaynaa mufrad ama kali.
marka waxaan sheekadaas oo dhan uga gol leeyahay ariguna wuxu leeyajay eray bixino u gaar ah isaga kuwaas oo muu jinaaya kali iyo wadar, waxaana kuugu kala muu jiyay shaxdaan hoose
Kali | Wadar |
Ri | Riyo |
lax | ido |
wan | wanan |
Orgi | Orgi |
Nayl | Naylo |
waxar | waxaro |
Gabogabo
Maqaalkan waxaan kaga hadalnay si faahfaahsan ariga waxaana jeclahay inaad wax uunka faaiiday mahadsanid walaal.
More Info
Creator : Mohamud Abshir | YouTube
Related : Geela | Meesi xoolaad Caan ah | Muhiim
images. : Pexels.com | pixabay.com