fariimo jacayl ah xul | 2025

Hordhaca Maqaalka :

Fariimahaan maanta idinla wadaagayo waxaan ka keenay ra’yiga bulshada reer tiktok waana erayo qalbi taabasho ah, shakhsi ku soo gala magaca ah @salmaan_4real , ayaa wuxuu soo dhigay bartiisa tiktokda qoraal sidaan ah ” nin walba xaaskiisa ama gabadha xiriirka ka dhexeeyo ha amaano dumarkuna ha qiimeeyeen ammaanta ragga ” anna waxaan qormadaan kusoo qaatay 7 qof oo ka mida dadkaas ee aan isla aragno fariimahooda jacaylka ah .

ADEEGYADA : intaas waxaa dheer adeegyada aan qabano haddii aad rabto in laguu sameeyo website xayaysiinleh sida keenaan oo kale soomaaliga iyo mid english ah igala soo xidhiidh whatsAppka lambarkaan : +252907463524

Nuxurka Maqaalka :

fariinta 1aad Ee Fariimo jacayl ah : fariintaan waxaa soo qoray wiil ay ugu qorantahay @Maahir, wuxuna yiri sidaan :Rajadaydii mustaqbalkaygii adduunka waxa Dumar ku nool adaan kuu jeclahay waxaana kuu ilaalin doonaa siddii abbe dhalay hal gabar adduunkana ka fiirsada, anna waxaan kuu balan qaaday inaad asaagaa ka qurxoonaato intaad adiga ka maseyri lahaydna ay iyagu kaa maseyraan”

fariinta 2aad Ee Fariimo jacayl ah : fariintaan waxaa soo qoray wiil ay ugu qorantahay @Mucaad, wuxuuna yiri sidaan : “siday shinnidu u ilaaliso malabka ayaan u ilaashaa iyada dumar lama sinee drajey dheertahay, kaftan yar ayaan isku baranay , maantana waxay ii joogtaa boos uusan noole ii buuxin kara uusan jirin, “.

fariinta 3aad Ee Fariimo jacayl ah : farriintaan waxaa soo qoray wiil ay ugu qorantahay @Ittsawo wuxuuna yiri sidaan : “Cawo nolosheydiyeyy ilaahay waxaan kaaga baryay nolol qurux badan, la’aantaa maanta heerkan masoo gaareen, waxaad tahay ruuxa kaliya ee i dhiirigaliya iguna dhaha kac oo mustaqbalkaaga iyo naftaadaba ka fikir, qofka marwalba rabbigeen inoo barya ayaad tahay adoo leh ilaahay calaf ha isugu keen daro oo xalaal ha iiga kaa dhigo, anna waxaan dhahaa ammeen. ” .

fariinta 4aad Ee Fariimo jacayl ah : farriintaan waxaa soo qoray wiil ay ugu qorantahay @dhiblawe wuxuuna yiri sidaan : ” wanaag iyo deeqsinimo baa isugu lamaan , quruxdaada indhahaygu way qabtaan qalbigayguna waa ku dagaa, dhaqankaaga wanaagsan iyo asturnaantaadu waa ii astaan sharaf. dabeecadaadu waa miro macaan, magaca gabar ayay dumar lawadaagtaa mooyee waxaad tahay boqorad aan lawada haysan.”

fariinta 5aad Ee Fariimo jacayl ah : farriintaan waxaa soo qoray wiil ay ugu qorantahay @LB TIGER wuxuuna yiri sidaan : ” Mahtha waxaad tahay boqorada aan dumarka dhex doortay , mana laga yaabo inaan raadiyo gabar kale badalkaa sababtoo ah maba jirto gabar sidaada oo kale u dagan, U qurxoon u naxariis badan, aad baan kuu jeclahay waana ku jeclaan doonaa nolosheydii “.

fariinta 6aad Ee Fariimo jacayl ah : farriintaan waxaa soo qoray wiil ay ugu qorantahay @#theproblem wuxuuna yiri sidaan : ” ma lahan dabeecad qalafsan , ma ahan qof dagdag badan, waxaad tahay boqorad ay yartahay in ayadoo kale dunida lagu arko, amaan haddii la dhoho comments ama qoraal laguma soo koobi karo, qalbi waxaad tahay ruux aan si fudud lagu heli karin noolow inta la noolyahay qaali “.

fariinta 7aad Ee Fariimo jacayl ah : farriintaan waxaa soo qoray wiil ay ugu qorantahay @farmiino wuxuuna yiri sidaan : ” haddaan qalin iyo waraaq la galo qolmadaw habeen, qalbigu wuxuu muhanayaa inuu magacaaga Qoro, in badan waan qarinayee anigu waan kugu qancoo , duuduub kugu qaatayoo, qudhayda adaa xukuma warkayguna waa qisoo , waxaan qandaraasayaa nolosha qaybaha haree, inaan qoys kula noqdiyo miyaan u qalmayn xubiga?…”.

fariinta 8aad Ee Fariimo jacayl ah : farriintaan waxaa soo qoray wiil ay ugu qorantahay @ZACK wuxuuna yiri sidaan : ” Iyadu ma ahan wehelkeyga kaliya waa xaaskeyga waxayna ii buuxisay booskasta oo noloshayda ka banaanaa sida saaxiib , jacayl intaba way ii noqotay. waxaana dareemaa inaan ragga asaagay ah wax dheerahay waayo waxaan haystaa gabadh i jecel ii naxariisanaysa dumarna quruxdooda ah alxm “.

Gabogabo

halkaas waxaan kusoo afmeeray comments reer tiktok ay ka bixiyeen qaybihii ugu muhiimsanaa, waxaan aaminsanahay inay jacayl buuxa xambaarsan yihiin fariimahoodu , haddii ay saas tahay waxaan rabaa inaan ogaado ama aad ila qiimaysaan fariimahooda aadna nagula wadaagtaan qaybta commentiga midkii ugu fariinta fiicnaa, hadday ma gudbeyaal yihiina ila wadaag, misna adiga gabaray wiilkee ka dhigan lahayd jacaylkaaga si uu kuu amaano.

More Info

Creator : Mohamud Abshir | Mo abshir

Related : Oraahyo jacayl ah Oo Qiiro ah | Jacayl

Imaged : Pexels.com | pixabay.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *