Ciwaanada Maqaalkan :
Hordhaca Maqaalka
Saxiib hadii uu jiro qof ku xumeeyay oo aad xiriir wada lahaydeen ?, halkaan waxaa kuugu diyaarsan erayo qalbi jab ah oo aad ku dhihi karto si aad qalbigiisa xitaa wax yar oo xanuun ah uu u dareemo.
Fg: fariimahaan haku odhan qof aadan hubsan inuu ka baxay nolohsaada waaayo fariimahaan waa fariimo wax u dhimi kara qofka aad jacaylka wadaagtaan waana laga yaabaa inuu xanuunka qaado waayo eray qoran ayaa wax dhaawici kara.
Igu saabsan : Magacaygu waa Mohamud Abshir waxaan ahay youtuber (content creator ) iyo blogger waxaana inta badan social media-ha kusoo galaa MOHA PRO. waxaana soo gudbiyaa muuqaalo ka kooban qaybahaan soo socda : Maahmaayo, xikmado dhiirigalin iyo marmar muuqaalo quseeya shukaansiga sida qoraalkaan aad akhrinayso oo kale.
ADEEGYADA : intaas waxaa dheer adeegyada aan qabano haddii aad rabto in laguu sameeyo website xayaysiinleh sida keenaan oo kale soomaaliga iyo mid english ah igala soo xidhiidh whatsAppka lambarkaan : +252907463524

Nuxurka Maqaalka
Erayga 1aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “Qalbi jab waxaa iigu filan marka aniga oo iska faraxsan aan ku soo xasuusto adiga ka dibna ay nolosheyda dhamaan isku badasho murug”
Erayga 2aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : Marwalba oo aan isdhaho la hadal waxaan isdhahaa, la’aantaa ayay faraxsantahay marka ciriiri haku noqon.
Erayga 3aad Ee Erayo Qalbi Jab ah :” Mararka qaarkood waa iska aamusaa waayo ma jiraan erayo sharixi kara xanuunka aan qalbigayga ka dareemayo”.
Erayga 4aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “Adigoo xidhiidh leh in cidlo lagu dareensiiyo waxaa dhaanta adoo xidhiidh lahayn”.
Erayga 5aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “Run ahaantii aad bay u xanuun badantahay qofkii shalay farxadaada qaatay oo ku leh farxad baan kuu rajaynayaa”.
Erayga 6aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “Rajo kasta oo aan kaa lahaa waxay kusoo dhamaatay quus iyo murugo”.
Erayga 7aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “Si walba oo aan kuu jeclahay, si walba oo aad naftayda muhiim uu tahay mar hadaad garan waydo qiimaha aan aktaada ku leeyahay , dhib maleh raaxayso by”
Erayga 8aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “Markaad ogaatay in aan noole kuu jeclahay ayaad iga fogaatay, maxad markii hore u dhahaysay isku keena dhiib hadaadan ii noqonayn daacad”
Erayga 9aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “Bilowgii jacaylkeena waxaad igu tiri igu kalsoonow , laakin dhamaadkii waxaad igu dhahday sorry”.
Erayga 10aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “xiriirka inaga dhexeeya aniga iyo adiga aawadiis ayaan dadkii kale u jaray laakin adiga dadka kale awadood ayaad ii cidlaysay”.
Erayga 11aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “Qof walba waaku dhihi karaa waanku jeclahay laakin runtiisa maahan anna maanta ayaan rumaystay taas”.
Erayga 12aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “Iga raali noqo haddii aan saaid kuu jeclaaday kaliya waxaan rabay inaan ku siiyo jacayl aadan horey u helin , laakin ima aadan fahmin, nasiib xumo”
Erayga 13aad Ee Erayo Qalbi Jab ah :“Ma jiro jaceyl xun, laakin waxa jira qalbiyo xun oo aan u qalmin inla jeclaado, kuwaas oo isku ekeysiiyo qalbiyo fiican, dadkaasna tusaale waxaa u ah adiga”
Erayga 14aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “Waxad I bartay sida loo dhawaco qalbi daacad kuu ah naxariis iyo muxibo kuula taagan subax iyo habeen walba laakin haddii aad wanaag mooday ii raaxeyso by”
Erayga 15aad Ee Erayo Qalbi Jab ah :Waxaan rabaa inaan jaceylkeeni book ka qoro ciwaana uga dhiga dhimashadii qalbigayga, waayo waxaad toogatay ama dishay Qalbigaygii.

Erayga 16aad Ee Erayo Qalbi Jab ah :si walba oo aad ii dhahdo waanku jeclahay kali gaabaana ku hadlaa, marba hadaad fariintayda dagdag uga jawaabayn waankaa quustey, waayo fariinta oo dhaqso looga jawaabo waa daliilka adaan kugu koobnahay
Erayga 17aad Ee Erayo Qalbi Jab ah :Run ahaantii aadbay u xanuun badan tahay markii ruux aad dugsanaysay oo aad weheshanaysay uu dhabarka kaa toogto.
Erayga 18aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “Ilintu waa hadal qarsoon balse aan afka soo mari karin, uusana fahmi karin qofey soo martay maahane qof kale”.
Erayga 19aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : Run ahaantii aad u xanuun badantahay ruuxii farxadaada qaatey oo ku leh farxad baan kuu rajaynayaa.
Erayga 20aad Ee Erayo Qalbi Jab ah :Maxaa ka xanuun badan adoo dareenka hadlaaya oo fariin qurux badan sugaaya in oky laguugu dhaho ama laguugu jawaabo.
Erayga 21aad Ee Erayo Qalbi Jab ah :waanku raali galiyay anigoo garanayn khaladkayga, waxa kaliya ee aanka cabsaday ayaa waxay ahayd inaan ku waayo.
Erayga 22aad Ee Erayo Qalbi Jab ah :maxaad hadaad I cidlaynaysa aad u tiri waad isbadashey maad si cad ii dhahdo, qofkeygii maad noqon ama waxaan rabaa inaan kaa fogaado.
Erayga 23aad Ee Erayo Qalbi Jab ah :maxaad u dhahaysay waanku jeclahay haddii aadan u dul qaadan Karin xanaaqayga iyo xaaladaha aan xanuunka ku sugnahay erayada xanuunka ah ee aan kugu oranaayo.
Erayga 24aad Ee Erayo Qalbi Jab ah :Qof walba waa ku dhihi karaa waanku jeclahay laakin qof walba kuma siin karo farxad, jacayl iyo kalsooni , taasna waa midda aan adiga kaa waayay.
Erayga 25aad Ee Erayo Qalbi Jab ah :Kaliya qof xun maahi laakin waxaan u baahnahay qof I fahma, I qadarinaya qiimahaygana garanaya iina huri kara waqtigiisa qaaliga ah
Erayga 26aad Ee Erayo Qalbi Jab ah :wax walba waa la helaa laakin mays leedahay waxaa la helaa qalbi jabay sidii loo kabi lahaa. Aan idiin ku daro erayo kooban si aad u fahamtaan miisaanka kalmadaan: Tusaale hadaad soo qaadato xabad ukun ah ka dibna aad jabiso oo aad ku dhahdo raali ahaw lagama yaabo inay sideedii ku soo laabato qalbiguna waa sidaas, oo qalbi jabay kuma kabmo hadal iyo kalmado naxariis ah oo uu horey kaaga waayay.
Erayga 27aad Ee Erayo Qalbi Jab ah :waxaad I bartay in dadku isku badalaan sida barafku biyo iskugu badalo oo kale, kaliya waxaan kaa faaiiday cashar aan lagu baran schoolada, waxaana ku leeyahay mahadsanid by.
Erayga 28aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : Ii sheeg maalintaad soo ogaato ruux iga fiican waanku dhigayaaye, waayo ma rabo inaan dulsaar idinku ahaado.
Gabogabo
Intaas ayaan jeclaaday inaan idin kula wadaago maqaalkan saaxiibayaal, waxaan jeclahay inay hab fikirkiina wax uun ku soo kordhiyeen intaan maqaalkale oo noocaan ah ku kulmayno waxaan idin leeyahay salaama guuleysta dhamaantiin.
More Info
Created by : Mohamud abshir | youtube
Images : pixabay.com | Pexels.com
Related articles : Erayo Qalbi jab ah, Sorry Saan ma fileyn | Qalbi jab
Mzha allh mudo ka dib ninki moha ahaa waa soo laabtay allaw aanu ku waayin shp
Waanku tabay inaad hawada ka maqnayd.
Markale ayu lasoo laabtay erayadii qalbi xanuunka ahaa😃
thanks wll