Ciwaanada Maqaalkan :
Hordhaca Maqaalka :
Hordhac :
Maqaalkaan wuxuu ku saabsanyahay erayo qalbi jab ah oo aad ku oran karto ruux kugu cidleeyay nolosha aadna jeclayd, waxayna dhanyihiin 21 kalmadood, waana qaybtiii 1aad ee erayo qalbi jab ah.
Nuxurka Maqaalka :
Erayga 1aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “ Waanka qoomameeyaa barashadaan ku bartay waayo isma lahayn, sidaan ayaad igu noqon doontaa, kaliyana dhaawaca aad I marisay waa ii cashar, waxaadna I bartay inuusan ruux walba wanaagsanaan Karin, isla markaana aan lagu kalsoonaan Karin”.
Erayga 2aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “ ka waran markaan arkay inaad I dhibsanayso hadaan go’aanku gaaray inaan iska kaa dhaafo waayo waxay iila muuqataa inaad la’aantay faraxsantahay”.
Erayga 3aad Ee Erayo Qalbi Jab ah: Xanuunadu kala duwan, laakiin xanuunka aad I dariinsiisayna waa xanuun aan lagu sharixi Karin erayo afka ka soo baxa “.
Erayga 4aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “ Hadaad farxadayda dhaawacayso maxaad shalay u qaadatay oo aad maanta ii dhahday farxad ayaan kuu rajayn?, “.
Erayga 5aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “Rajo kasta oo aan kaa lahaa waxay kusoo dhamaatay Murug iyo quus ”.
Erayga 6aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “Si walba oo aan kuu jeclahay, si walba oo aad naftayda muhiim ugu tahay mar hadaad garan waydo qiimaha aan aktaada ku leeyahay , anna wax walba oo aan kuu qabay waanka laabtay, maanta ka dibna ha igu xisaabtamin macasalaamo “.
Erayga 7 aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : Wax walba waa isbadalaan sida barafkuba biyo iskugu badalo, adna waxaad I bartay cashar muhiima oo ah inaan dadka qaar lagu kalsoonaan Karin”.
Erayga 8aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “ Xaggee lagu bartaa in ruux jacayl lagu beero ka dib markaad dantaadii ku gaartana aadku dhahdo macasalaamo ? ”.
Erayga 9aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “xiriirka inaga dhexeeya aniga iyo adiga aawadiis ayaan dadkii kale u jaray laakin adiga dadka kale awadood ayaad ii cidlaysay, anigana waxba kama qabo waxaana u fahmay qofkii ilaahay subxaanahu watacaalaa ila rabay inaadan ahayn ”.
Erayga 10aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “ Allah maxaa adduunka ku nool dad uu ilaahay swt uu u sahlay sida qof loo dhaho waanku jeclahay, laakin aan aqoonin micnaha guud ee waanku jeclahay iyo xanuunka ay ku beeri karto qofka walaalkaa ama walaasha ah ee aad ku leedahay, Adiguna fasax ayaad iga tahay hadaad ba guul aadku gaarayso beentaas aad ii sheegtay ”.
Erayga 11aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “ Aniga brigaan ku jeclaanayay ujeedadaydu waxay ahayd inaad facaa ugu sarayso naf iyo maalna aankuu huro laakin suuroobi wayday ‘’.
Erayga 12aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “Waxad I bartay sida loo dhawaco qalbi daacad kuu ah, naxariis iyo muxibo kuula taagan subax iyo habeen walba, laakin haddii aad wanaag mooday ii raaxeyso masalaamo mardanbena arki mayso meelaan maray xitaa “.
Erayga 13aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “Waxaan rabaa inaan jaceylkeeni book ka qoro ciwaana uga dhiga dhimashadii qalbigayga, waayo waxaad toogatay ama dishay Qalbigaygii nadiifka ahaa kaas oo aan aqoonin khayaano iyo isdaba marintoona ‘’.
Erayga 14aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : ” Run ahaantii aadbay u xanuun badan tahay markii ruux aad dugsanaysay oo aad weheshanaysay uu dhabarka kaa toogto, xanuunkaasna noqon mayo midaan asaagay uga haraayo kaliya waa ii khibrad ”.
Erayga 15aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “Ilintu waa hadal qarsoon balse aan afka soo mari karin, uusana fahmi karin qofey soo martay maahane qof kale, taasna waa chapter ka mida chapterska aan ku bartay agtaada ”.
Erayga 16aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “Maxaa ka xanuun badan adoo dareenka hadlaaya oo fariin qurux badan sugaaya in oky laguugu dhaho ama laguugu jawaabo, taas inaad iga badashana waan jeclaan lahaa, haddii kale aa aadan ii baahnayna ii sheeg waa iska baxayaa anoo xumaan kuu qaadinee ‘’.
Erayga 17aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : ”waanku raali galiyay anigoo garanayn khaladka aan kaa galay waayo waxaan ka cabsanayay inaan ku waayo ‘’,
Erayga 18aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : ” Ha lagaa tago ma xuma laakiin maxaa ka xun in khalad ama dhaliil dusha lagaa saaro si lagaaga dheeraado ?, taasna waa midda aad isku dayayso maanta inaad samayso ‘’.
Erayga 19aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : Qof walba waa ku dhihi karaa waanku jeclahay laakin qof walba kuma siin karo farxad, jacayl iyo kalsooni , taasna waa midda aan adiga kaa waayay, waxayna ka dhigantahay taas ima rabto waayo hadaad I rabto naxariis iyo waqti midna iima weydeen ”.
Erayga 20aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : “Kaliya qof xun maahi laakin waxaan u baahnahay qof I fahma, I qadarinaya qiimahaygana garanaya iina huri kara waqtigiisa qaaliga ah, waayo jaceylkuba qadarin iyo ixtiraam kama soo haro ”.
Erayga 21aad Ee Erayo Qalbi Jab ah : ” wax walba waa la helaa laakin mays leedahay waxaa la helaa qalbi jabay sidii loo kabi lahaa. Waayo qalbigu hadduu jabo waa dhalo jabtay oo kale mana jirto sabab dib loogu kabi karo ‘‘.
Gunaanad :
Waxaan jeclahay in erayadaan aad wax uunka faaiiday ama cashar nolololeedkaaga baxay, ujeedada ugu weyn ama baahida ay buuxinayaaan waa in aan dadka caadeystay inay dhaawacaan ruux jecel qalbigiisa inaan u dirn bal inay kuwaano qaataan.
Hadaad isleedahay waxbaa laga faaiiday ama ay jirto fariin ku cajabisay waxaan jeclahay inaad comment-ga fariintaada nagula wadaagi doonto waa walaakiin Mohamud Abshir oo idin leh macasalaamo intaan qoraalkaan oo kale ku kulmayno.
More Info
Created by : Mohamud abshir | Youtube keena M. abshir
Images : pixabay.com | Pexels.com
Related articles : Erayo Qalbi jab ah, Sorry Saan ma fileyn | Qalbi jab.






Mzha allh mudo ka dib ninki moha ahaa waa soo laabtay allaw aanu ku waayin shp
Waanku tabay inaad hawada ka maqnayd.
Markale ayu lasoo laabtay erayadii qalbi xanuunka ahaa😃
thanks wll