Erayo Qalbi jab ah Oo Xanuun Badan | Qalbi jab

Hordhaca Maqaalka

Marmar waa iska dhacdaa in qof madaxa kuu saaran uu ku yiraahdo by, laakin uu san afkka kaaga sheegin ee uu qalbiga kaa tiray, laakin uu kuu qarinayo maalinta aad ogaatidna, aad maalintaas ogaan doonto inaad cidlo taagnayd. hadaba waxaan rabaa inaan kuu sheego 20 Eray oo qalbi jab ah oo aad adeegsan karto markaad ogaato in lagu dhawaacay ama lagaa fogaaday.
Fg: fariimahaan haku odhan qof aadan hubsan inuu ka baxay nolohsaada waaayo fariimahaan waa fariimo wax u dhimi kara qofka aad jacaylka wadaagtaan waana laga yaabaa inuu xanuunka qaado waayo eray qoran ayaa wax dhaawici kara.
ADEEGYADA : intaas waxaa dheer adeegyada aan qabano haddii aad rabto in laguu sameeyo website xayaysiinleh sida keenaan oo kale soomaaliga ah iyo mid English ah igala soo xidhiidh whatsAppka lambarkaan : +252907463524

Qalbi jab

Nuxurka Maqaalka

fariinta 1aad ee erayo qalbi jab ah : “Jacaylku waa waxa ugu quruxda badan ee la hanto , waana waxa ugu xanuunka badan ee la waayo, anna waayida aan adiga ku waayay farxad walba oo igaga luntay maahan dhamaadka nolosheyda”.
fariinta 2aad ee erayo qalbi jab ah : “saq-dhexe, habeen bar dadkoo wada seexday waligaa xanuun ma la soo jeedey adiga oo aysan cidna kula soo jeedin. adna waxaad tahay ruuxa aan daraadiis xanuunkaas umaray laakin waxba kuuma qabo ii nolow”.
Erayga 3aad ee erayo qalbi jab ah : “Marka kaliya ee aan daciifka noqdo ayaa ah markaan arko adoo la qoslaaya ama la hadlaaya gabar kale / wiil kale , laakin ugu danbayn waxaan rajayn inay maalin farxad ii noqon doonto la qosolka dadka aad la qoslayso kuwaas oo waqti xaadirkaan aan qalbigayga u fiicnayn”.
fariinta 4aad ee erayo qalbi jab ah :” kawaran hadaad ogtahay waxa i dhibaaya hadana aad maalin walba kusoo celcelinayso si aad u aragto saan u xanuunsado”.
fariinta 5aad ee erayo qalbi jab ah : “Marwalba oo aan dareemo inaan aktaada muhiim ka ahayn waxaan dareema sida inaan ahay qof doqon ah, waayo qiimahaygii ayaad garan weyday, waxaan sugnana waa intaan go’aanka gaari lahaa ag joogaaga”.
fariinta 6aad ee erayo qalbi jab ah : “waxan xaqiiqsaday ayaa ah intaan adiga kaa baryi lahaa jacayl iyo wehel inaan kali ahaan ku geeriyoodo”.

fariinta 7aad ee erayo qalbi jab ah : “maxaan nasiib lahaan lahaa haddii aan heli lahaa ruux si daacada ii jecel, agtiisana aan muhiim ka ahay “
fariinta 8aad ee erayo qalbi jab ah : iga raali noqo hadaan noqdey ruuxii ugu xumaa ee abid noloshaada soo maray, waayo waxaan jeclaa inaan ku garab istaago xaaladaha adag kuuna wehelyeelo laakin ma dhicin, oo cadaw ayaad ii aragtay”.
fariinta 9aad ee erayo qalbi jab ah : “waxaan kuu arki jirey inaad noqonayso ruuxa kaliya ee ku haboon nolosheyda laakinse ma aadan noqon, wax walba oo dhacayna alxm”.
fariinta 10aad ee erayo qalbi jab ah : ” dib danbe uma qalbi jabaayo xitaa hadaan qalbi jabayo uma qalbi jabayo sidaan adiga kuugu qalbi jabay waayo qalbi jabkaba saaxiib ayaan noqoney”.

fariinta 11aad ee erayo qalbi jab ah : “Waxa kaliya ee aan naftayda ka aaminsanahay ayaa ah : “ inaan ahay qof wanaagsan laakin la kulmay xaalado xun”.
fariinta 12aad ee erayo qalbi jab ah : “markey ku dhahaan xiriir maleedahay sidaan ku dheh : “xiriir alle mooyaane xiriir bini aadam waa iska dhaafay waayo waxaan ahay bukaan haddii la damco book in laga qoro aysan dhamaanayn qisooyinkiisa xanuunka badan ee soo maray” .
fariinta 13aad ee erayo qalbi jab ah : casharka nolosha aanka bartay ayaa ” qof walba waa ku dhihi karaa waanku jeclahay , laakin runtiis maahan ! “


fariinta 14aad ee erayo qalbi jab ah : “marmar qaar waxaan dareema cidlo inaan joogo, waayo waxaad buuxin weyday baahidii aan kuu qabay oo ahayd inaan jacayl iyo naxariis kaa helo”.
fariinta 15aad ee erayo qalbi jab ah : mar aan iswaraysanay aniga iyo murugtu, ayaan waxaan weydiiyay murugey maxaad ii jeceshahay aniga say waxay dhahdey sidaan ; “Adiga ayaa daacad ah saaxiib, hadaan ogaan lahaa in dadka qaar murug lagala kulmana jaceyl ma yeesheen !!” .
fariinta 16aad ee erayo qalbi jab ah : ” noloshaan hadaan wareystey dadkii waayo araga ahaa waxaan weydiiyey : mala helaa sidii loo daweyn lahaa qalbi jabay ? waxay dhaheen maya lama helo, adna waxaad iigu tala gashay qalbigayga inaad jabiso laakin guul hadaad ku gaarayso horey usoco”.

Erayo Qalbi jab ah

fariinta 17aad ee erayo qalbi jab ah : ma ogtahay inaad i fahmi weydey waqti walba oo aan kuu soo baahdo, si aan wehel kaaga helo laakin kaama helin aniga oo kaligay ah ayaan firaashkeyga kortagay si aan wehel la’aan u seexdo kaliya waxaan weheshanayo ayaa ah ilaahaygii isiiyay qalbiga aan adiga kugu caashaqay”.
fariinta 18aad ee erayo qalbi jab ah : “noloshaan anoo yar baa waayo arag noqdey waad yaabi lahaydeen hadaan idiin waramo, waayo xanuunada aan soo maray ayaan ogahay “.
fariinta1 9aad ee erayo qalbi jab ah : “hadaad maalin uun dhabarka ii jeedin doonto maxad u tiri isii qalbigaaga anaa dhaqtarkiisii noqonayee”
fariinta 20aad ee erayo qalbi jab ah : hal dardaaran ayaan kuu sheegayaa: ” xanuunka aan daraadaa u maray waa xanuun aan uga sheekayn doono dad aanan hadda aqoon , si ay cibro qaadasho iyo casharo uga faaiidaan”

Gabogabo

Qaybtaasna intaas ayay ku ekayd waxaana kusugnaa erayo aan ku oran karno dadka caado qaatayaasha kuwaas oo isku dayaya xitaa inay qalbigeena waxyaroo xanuuna dareensiiyaan, marka erayadaan waad adeegsan kartaa si aad runta indhaha uga galiso.

More Information

Creator : Mohamud abshir | YouTube.
images : pexels.com | pixabay.com.
Related : Erayo Qalbi jab ah, Sorry Saan ma fileyn | Qalb Jab

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *