Ciwaanada Maqaalkan :
Hordhaca Maqaalka
Erayo qalbi jab ah oo aad u xanuun badan ayaa qaybtaan ku sugan kuwaas oo aan ku oran karno dadka caado qaatayaasha ah si aan xitaa qalbigooda waxyar oo xanuun ah ugu beerno

Nuxurka Maqaalka
fariinta 1aad eeerayo qalbi jab ah :“doqonimo waxaa iigu filan inta jeer ee aan kugu dul ilmeeyay xitaa naftayda aan ka hormariyay taada si aan kuu dareensiiyo jacaylka aan kuu qabo laakin waad i fahmi waysay”.
fariinta 2aad eeerayo qalbi jab ah : “”waxaan xikmad ahaan u haystaa hadaad waydo qof wanaagsan noqo kali anna waxaan door biday inaan kali ahaato waayo dadka aan la kulmay ayaa i nacsiiyay xiriir”.
fariinta 3aad eeerayo qalbi jab ah : “Xiriirka dadka waan iska dhaafay waayo waxaa xiriir iyo wehel iigu filan xiriirka ilaahay subxaanahu watacaalaa”
fariinta 4aad eeerayo qalbi jab ah : “”inkastoo daneeniyo kalinimadu duli tahay dayaxuba uma baahna wehel.”.
fariinta 5aad eeerayo qalbi jab ah : “aniga qof xun maahi laakin waxaan ahay qof la kulmay xaalado adag iyo qalbi ba’an”
fariinta 6aad eeerayo qalbi jab ah : “run ahaantii aad baan kuu jeclahay si walbana waan kuugu sheegay maxaad ii fahmi la’adahay qof xun maan ahay mise qof aan kuu qalmin”.
fariinta 7aad eeerayo qalbi jab ah : “markaad i cidlaysay waxaan noqday sadar ka haray buugii aad gubtay “.
fariinta 8aad eeerayo qalbi jab ah : “markaan daraadaa xanuun u dareemay waxan xaqiiqsaday kalmadii ahayd | noloshaan cidina makula sii joogayso, ilaa haduu kula joogayana waa qof qiimo iyo qadarin kuu haya”.
fariinta 9aad eeerayo qalbi jab ah : “”hal su’aal iiga jawaab hadaad awoodo | ma waxaax xamilaa xanuunka jacaylka mise mise waxaan la talaacaa naftayda aad lumisay?”.
fariinta 10aad eeerayo qalbi jab ah : ” xanuun ba xanuun baa ka daran, laakin midka aad u gaysatay qalbigayga, heer wuxuu marayaa, mararka qaar aan iska indho tiro runta, si aan u helo farxad ku meel gaara”
fariinta 11aad eeerayo qalbi jab ah :.”xitaa haddii aad i xumaysayina dulmisay haku fikirin inaan caloosha kuugu hayo cuqdad iyo xumaan wanaag mooyee”.
fariinta 12aad eeerayo qalbi jab ah :“waxaan ku leeyahay noloshaada ilaahay hakuu qurxiyo, horey u socoguuleyso, meel walba oo aad dunida ka joogtid ‘adduunka ha luugu jeclaado ilaahayna haku jeclaado'”.
fariinta 13aad eeerayo qalbi jab ah :“kawaran hadaan ku dhoho maalmihii aan kula joogay magtoodii layga rabaa waayo waqtigu waa fursad qaali ah aana soo labanayn dhanka kale maalinta qiyaamaha la i waydiinayo”.
fariinta 14aad eeerayo qalbi jab ah : “hadda ma ila joogtid laakin waxaan weheshadaa xasuusahaagii”.
fariinta 15aad eeerayo qalbi jab ah :“waxaan u xiisay qofkii hore ee i jeclaa aana u jaray daraadaa hadaan ogaan lahaa arintu inay sidaas noqonaysana kuma door bideen adiga”.
fariinta 16aad eeerayo qalbi jab ah : “indhu waa ilaawaan waxay arkaan laakin qalbigu ma ilaawo qofkii uu jeclaado kaba sii darane uu maalin awadiis u ilmeeyay”.
fariinta 17aad eeerayo qalbi jab ah : “qof walba waa isbadalaa marka uu dhamaado xiisihii uu kuu qabay , laakin su’aasha aan ku weydiinaayo ayaa ah maxaad iskukay jeclaysiinaysay haddii uusan daacad kaa ahayn jacaylku.”.

fariinta 18aad eeerayo qalbi jab ah : “danbi aanan lahayn dusha hayga saarin hadaad rabto inaad iga fogaato kaliya i dheh qofkaa wanaagsan ayaan arkay”.
fariinta 19aad eeerayo qalbi jab ah : “waxaan ku siiyay qalbi aan u diiday dad dhamaantood adna waxaad abaal iiga dhigtay xanuun uusan jirin wax daaweyn kara”.
fariinta 20aad eeerayo qalbi jab ah : “ilaahow waxaaan kuu dhiibay qalbi murugaysan maxaa yeelay waxad tahay ilaaha xanuunada iyo murugada tirtira”.
fariinta 21aad eeerayo qalbi jab ah : “aniga kama bixi lahayn noloshaada laakin waxaan tagay markaan arkay inaan culees ku ahay nolsohaada ayaan iska baxay”.
fariinta 22aad eeerayo qalbi jab ah : “markii la i weydiiyo hal su’aal oo ah ‘ma jiraan wxyaabo kugu keenay inaad isbadasho? waxaan ugu jawaabaa ‘haa waayo waxaan la soo kulmay jab aan xanuunkiisa eray ku sharixi karin “.
fariinta 23aad eeerayo qalbi jab ah : “waxaan maqlay oraah ahayd sidaa ‘qof walba markuu noloshaada galaayo wuxuu ku oranayaa igu kalsoonow , laakin dhamaadka waa kii kaa ilmaysiiya adiga ‘ “.
Gabogabo
Qormadaan kore waa qaybtii 5aad ee erayo qalbi jab ah waxaana jeclahay inaad wax uunka faaiiday haday saas tahay waxaan jeclaan lahaa inaad qaybta comentiga timaado ka dibna aad ra’yigaaga ama aragtidaada igula wadaagto mahadsanid.
More Info
Creator : Mohamud abshir | YouTube .
images : pexels.com | pixabay.com .
Related :Erayo Qalbi jab ah , Murugo jacayl | Qalbi jab