Erayo Qalbi jab ah , Murugo jacayl | Qalbi jab

Hordhaca Maqaalka

Qaybtii 4aad ee erayo qalbi jab ah, Qormadaan waxaa ku sugan erayo qalbi jab ah kuwaas oo aad u qaadan karto cashar inaadka barato ama qofku dhaawacay aadku dhahdo.
Fg: fariimahaan haku odhan qof aadan hubsan inuu ka baxay nolohsaada waaayo fariimahaan waa fariimo wax u dhimi kara qofka aad jacaylka wadaagtaan waana laga yaabaa inuu xanuunka qaado waayo eray qoran ayaa wax dhaawici kara.
ADEEGYADA : intaas waxaa dheer adeegyada aan qabano haddii aad rabto in laguu sameeyo website xayaysiinleh sida keenaan oo kale soomaaliga ah iyo mid English ah igala soo xidhiidh whatsAppka lambarkaan : +252907463524

Nuxurka Maqaalka

fariinta 1aad ee erayo qalbi jab ah : “calaf waa halkiisa laakin lama ciilo ruux qalbigiisa kuu furey”
fariinta 2aad ee erayo qalbi jab ah : “kala tageena ka dib waxaad ogaan doontaa inaad lumisey qof naftiisa taada ka hor mariyay “.
fariinta 3aad ee erayo qalbi jab ah : “marwalba oo aan kusoo xasuusto, waxaan galaa nolol xanuun ah waayo waxaa kaaf iyo kala dheeri ah halkaan kula rabay iyo halkaad iiga tagtay”
fariinta 4aad ee erayo qalbi jab ah : “waan jeclahay waxwalba oo adiga kugu saabsan marka laga reebo xanaaqaaga iyo maqnaanshahaaga”.
fariinta 5aad ee erayo qalbi jab ah : “waxaan la ilmeeyay xaladihii kala duwanaa ee aan daraadaa usoo marey “.


fariinta 6aad ee erayo qalbi jab ah : “waad baxdey anoo u baahan la joogaaga laakin waxaa ka xanuun badan inaad aaday ruux kale si aad waqti ula qaadato”.
fariinta 7aad ee erayo qalbi jab ah : “xanuunka ugu daran waa inuu ku dhaawaco ruuxaad u sharaxday dhamaan xanuunadaadii oo idil, uuna ku dhahay dhamaan anigaa daaweyn doona “.
fariinta 8aad ee erayo qalbi jab ah : “dhibaatooyinkayga waa badanyihiiin laakin taan xamili waayay ayaa ah maqnaanshahaaga bilaa sababta ah”.
fariinta 9aad ee erayo qalbi jab ah : “daciif maahi laakin waxaa daciif iga dhigay xasuusaha madaw ee qalbigayga ku duugan”.
fariinta 10aad ee erayo qalbi jab ah : “waa dhibkeyga ugu weyn inaa dhibkeyga sheegan karin hadaan sheegtana aan ogahay inaan oynaayo hadaan ooyana aan dareemaayo inaan daciif ahay “.

fariinta 11aad ee erayo qalbi jab ah : “waxwalba inaan waayo waan u dulqaadan karaa laakin adiga inaan ku waayo uma dulqaadan karo”.
fariinta 12aad ee erayo qalbi jab ah : “hadaad aragtay ama aad ogtahay ruux iga wanaagsan iska bax oo raac, “.
fariinta 13aad ee erayo qalbi jab ah : “marwalba oo aan ku soo xasuusto waa iska ilmeeyaa walibana anoo meel cidlo ah jooga”.
fariinta 14aad ee erayo qalbi jab ah : “waa iska aamusey ano ka cabsaday hadaan dareenkeyga sharaxo inaad i dhibsato”.
fariinta 15aad ee erayo qalbi jab ah : “kawaran anoo wehelkaaga raba hadaad igu dhahdey waa baxaa anna anoo qalbiga ka ilmaynaya aan niyada iska iri fasax malaha hawl muhiima ayay qabsan, adna aad shukaansi horey ka gashay”.

fariinta 16aad ee erayo qalbi jab ah : “Qalbi jab waxaa iigu filan markaan aniga oo wadada maraya oo faraxsan ay nolosheydii dhamaan isku badashey murugo waayo waxaad qalbigayga ku reebtay xasuus la magac baxday tiraanyo iyo murug”

fariinta 17aad ee erayo qalbi jab ah : “waanka qoomameeyaa inaad igu sirtay erayo naxariis iyo jacayl wata oo afkaaga kasoo baxay laakin aan qalbiga jirin”

fariinta 18aad ee erayo qalbi jab ah : “waxaan ogaaday xanuunka aan daraadaa u maray inuusan iga daaweyn karin dhaqtarka addunka ugu qiimo sareeya ilaa ilaahay mooyaane laakin waa ku faraxsanahay inuu xanuunkeyga adiga farxadaada noqdo”.

Gabogabo

kalmadahaan sare waa erayo qabi jab ah, kuwaas oo aan ku duri karno dadka caado qaatayaasha ah kuwaas oo na dhaawacaya siyaabo badan xitaaa anagoo addunka ugu jecel igaya. haday jirto fariinku cajabisay waxaan jeclaan lahaa inaad qaybta commentiga igula wadaagto aadna naxasuusiso kalmad kuwaan oo kale ah, intaan qaybtaan oo kale ku kulmayno waxaan idinleeyahay salaama saaxiibayaal.

More Information


Creator : Mohamud abshir | YouTube .
images : pexels.com | pixabay.com .
Related : Erayo Qalbi jab ah Oo Xanuun Badan | jacayl

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *