Ciwaanada Maqaalkan:
Hordhac
Maqaalkaan waxaan ku Arkaynaa Eray bixino Loo Adeegsado geela kuwaas oo ay muhiimtahay inaad Ogaato.
ADEEGYADA : intaas waxaa dheer adeegyada aan qabano haddii aad rabto in laguu sameeyo website xayaysiinleh oo aad ka samayso lacag kaas oo leh xayaysiinta google-ka igala soo xiriir lambarkaan hoose waankuu samaynaynaa i a. whatsApp : +252907463524.
Nuxurka Maqaalka :
Oon-dheere : haddii lagu dhoho geelu caawa waa oon-dheere maxaa laga wadaa , wax kale maahane waxaa laga wadaa geela markii la arooriyo haduusan maalintaas ceelka gaari karin habeenkii jidka markuu sii fariisto ayaa la yiraahdaa oon-dheere, si kooban erayga oon-dheere waxaa laga wadaa geel aroooray oo jidka sii fariistay si uu beriga danbe ceelka u tago.
Carraabo : waxaa laga wadaa ka xaynta geela la kaxeeyo galabtii sida in naq loo ka xaynayo ama ceelka iwm.
Wabax : haddii lagu dhoho geelu waa wabax, maxaa laga wadaa? Waxaa laga wadaa habeenka geelu uu soo cabo biyaha oo uu ceelka ka yimaado biyuhuna calooshiisa ku jiraan ayaa laga wadaa Kalmada Wabax.
Oomanyahay : Eraygaan wuxuu lidku yahay eraygii hore ee wabax waxaana loo adeegsadaa markii geela biyuhu calooshiisa ka dhamaadaan oo la rabo in ceelka loo arooriyo. Marka haddii laguugu dhoho geelaas waa oomanyahay waxkale maahane waxaa loola jeedaa geelu biyo ayuu u baahanyahay waxaana la geeyaa ceelka si uu biyo u soo cabo.
Dibood :kawaran adoo reer magaal ah haddii lagu dhaho geelii waa dibooday ? Eraygaan si kooban hadaan u sheegno waxaa loola jeeda ama micnihiisu noqonayaa haddii geelu habeen xerada ka maqnaado isagoo ku maqan baxsad ama ciidan xumo iwm.
Xero : Xero waa meesha geela lagu xareeyo si looga hortago inuu baxsado, xeraduna waxay ka samaysan tahay dhir la jaray, xerada geeluna waxay u qaybsantaa labo qaybood xero ubad iyo xerada geel oo lagu xareeyo geela waaweyn,
xero ubad : waa xerada lagu xareeyo geela kiisa yaryar ee loo yaqaan ubad.
xerada geel : waa xerada lagu xareeyo geela kiisa waawayn sida horweynka, Aaranka iwm.
Ceel-yeelad : eray bixintaan geelu wuxuu kala midyahay meesiyo kale sida ariga, waxaa loo adeegsadaa markii xooluhu ay usoo baxsadaan ceelka iyadoo aan la ogayn, tusaale maanta geel ayaad raacday qaybaa kaa baxsatay ceelkii ayuu aaday waxaa la oranayaa geela maqan waa ceel-yeeshey.
Abasax : eraygaan waxaa loo adeegsadaa markii ratigu hasha uu abaahinaayo hadaysan hashu cabaadayn waxaa la oranayaa hashu waa abasax.
Cabaad : kalmadaan waxaa sameeya geela markuu xaalad uusan raali ka ahayn la kulmo dhanka kale waxan oran karnaa waa ooyida geela.
Ragaad : kawaran haddii lagu dhaho hashu waa ragaad santahay?, wax kale maahane erayga ragaad waxaa laga wadaa qodaxda geela muda, si fudud marka waxay noqonaysaa hadaad maqasho hashu waa ragaad santahay waa hasha qodax ayaa ku jirta.
Horaadyo : Hashu waxay leedahay 4 naas laba danbe iyo labo hore, marka labada hore ee soo xiga xaga madaxa hasha ayaa waxaa la yiraahdaa horaadyo.
Danbeedyo : haddii labadii hore ay noqdeen horaadyo labadda danbe ee xiga xagga lugaha hasha waxaa la oranayaa danbeedyo.
Caad : waxa la yiraahdaa xubinta taranka ee ratiga ( qaybta dhedig ee geela).
Dabar : waxaa la yiraahdaa xariga ratiga lagaga xiro jeenyaha si uusan u baxsan ama uusan meel fog u aadin.
Jeenyo : neefka geela ah waxuu leeyahay afar adin ama 4 lugood, labada hore ee madaxa xaggiisa xiga ayaa waxaa la yiraahdaa jeenyo.
Lugo : waxaa laga wadaa 2da lugood ee danbe ee xiga xagga saynta.
Sayn : waxaa laga wadaa dabada dheer ee geela ka lulata sidoo kale waxaa loo yaqaan Dabo-laan.
Habeed : waxaa laga wadaa habeed, wasakhda ka samaysmata markii geelu isku shubo kaadida taas oo kaga samaysmata lugaha. Midab ahaana waxay noqotaa madaw ama gaduud.
Koor : waxaa laga wadaa wax laga qoro geedaha oo geela surka loo galiyo sababta ugu wayn ee loogu xirayana wax kale maahane waa in geela baxsadka looga ilaaliyo ama geela lagu raadsho haddii aad waydo adoo dhagaysanaya sharqanta koorta.
Gabogabo
Qormadaan waxan jeclahay inaad wax uunka faaiiday, waana muhiim inaan dhaqankeena miyiga waxka barano waxaana nasiib xumo ah inaan dhaqanka gaalada barano dhaqankeeni soomaaliyeedna aanu ka tagno, hadaad isleedahay wax baa laga faaiidayaa ama aad ka faaiiday qaybta commentiga ra’yigaaga igula wadaag mahadsanidiin saaxiibayaal.
More Info
Created : Mohamud abshir | youtube
Related : Geela Meesi Xoolaad Caan Ah | muhiim
Images : pexels.com | pixabay.com