Abwaan Hadraawi AUN ⁴ᴷ┇Qisada Heesta Hooyoy la’aantaa

Hordhac ⁴ᴷ┇ Hooyoy la’aantaa

Abwaan hadraawi allaha ha u naxariistee (AUN) wuxuu waqti wareysi lala yeeshay ku sharaxay qisada heesta hooyoy la’aantaa, wuxuna u kala qaaday ama uu ku muujiyay laba qiso oo noloshiisa soo maray kuwaas oo kala xanuun badnaa ka dibna ku dhalisay abwaanka inuu curiyo ama uu helo erayada heesta Hooyo la’aantaa , qoraalkaan hoosana waxaan kugula wadaagayaa labada qiso ee heesta ku dhaliyay abwaanka.

ADEEGYADA : intaas waxaa dheer adeegyada aan qabano haddii aad rabto in laguu sameeyo website xayaysiinleh sida keenaan oo kale soomaaliga ah iyo mid English ah igala soo xidhiidh whatsAppka lambarkaan : +252907463524

Qisada 1aad :

Abwaan Hadraawi oo yar ayaa waxaa la arooriyay ( ceelka loo kaxeeyay si loo soo waraabiyo ) geelooda, wuxuuna sheegay abwaanku inuu 6 jir ahaa waagaasna wuxuu sheegay abwaanku ilmaha 6 jirka ah inuu kaalin ku lahaa nolosha yacnii howl ayuu qaban jirey. aniga kaalintaydu maahayn inaan waraabiyo geela laakin kaalinta aan lahaa wuxu leyahay waxay ahayd inaan celiyo ama aan waxka horo geela markuu kaalinka tago sidoo kalena aan waxka kaxayn karay geela markii ceelka loo wado, maalintaas geelii waa cabay waana soo fuley.

Dabadeed geelii waa soo xero galay oo xeradiisii uu ka arooray ayuu xilli cawaysina usoo dheelmaday. ka dibna abwaanku wuxuu sheegay inay xerada geelu ka durugsanayd aqalka ama meesha reerku daganaa, geelii baa layska maalay ka dibna dadkii waa wada kataati-dhaceen (markii daalku kugu khasbo inaad taagnaan waydo oo aad doorbido jiifka ).

saq-dhexe maray ahayd ayaa kaadiyi i qabatay ka dibna anoo kaadi u kacay ayaan waxaan arkay hal xerada ka dhacaysa geeluna waa iska caadadiis habeenka uu wabaxa yahay haduusan caws daaqin habeenkaas xerada waaka dhacaa yacnii xerada ma qaabilo, ka dibna waxaan is iri hadaad hashaas soo celiso libaax ayaa ku qaadanaya, dhulkuna waagaas libaax ayaa iska joogay,meel walbana waa ka ciyayay, ka diba hurdadaydii ayaan iskaga laabtay.

Hashii halkii bay ka baxday geelii oo dhamina halkii ayuu ka baxay,habeenkaasna wabax ayaa la dhahaa oo xerada kuma jiraayo saan kor ku sheegnay, ka dibna nin wayn ayaa toosay oo ay kaadiyi qabatay xeradii ayuu eegay mise hal kaliya ayaa fadhida taas oo ahayd hal dakhuun ah abwaanku wuxuu yiri waana xasuustaa magaceeda waxaa la oran jiray Qaabil. raggii waa yaaceen mana jirin ninka ragga ah wuxuu ku badasho hashiisa waayo ma jirin magaalo iyo qurbo iyo meel kale oo madaxa lagu qariyo ama uu u shaqo tago.

Raggii dhammaan waa yaaceen oo geelii ayay raadiyeen waxaana meeshii looga tagay hashii Qaabil ahay iyo anigii. anigii mardanbe ayaa kaadiyi i qabatay mise aniga iyo hashii qaabil ahayd ee biyaha la kici wayday ayaa xeradii joogna, kadib waxaa is iri hadaad isdhahdo gurigii qabana gurigii waa durugsanyahay oo bahal ayaa dhexda kaa qaadanaya, marka ardaa lasameeyay oo duur iyo dureeme isugu jira ayaan dhexgalay bal si aan uga badbaado bahal hadduu yimaado, sheekana way jirtay oo ahayd libaaxu waxba araga kuma dilee urtuu wax ku dilaa ayaa la yiri, ka dibna waxaan is iri haddii hashaan joogto xerada libaax hadduu yimaado kuma urinaayo iyada ayaa u uraysa ka dibna caweyskii ayaan dhexgalay.

kadib cabaar ka dib xeradii geela meel muskeeda ah ayaan shanqar ka maqlay, dayaxna way ahayd waxaan u malaynayaa 13 ama 14 inuu dayaxu ahaa waana iftiin habeenadaas. waan eegay meeshii mise libaax baaba ka soo booday. ka dibna waa uu i hormaray isagoo aan ii jeedin ka dibna hashii qaabil ahayd oo iska raamsanaysa ayuu utagay, libaaxuna hilib ma rabee waxa kaliya ee haya ayaa ah haraad ama oon waayo dhulka ugaar ayaa ka buuxda oo marabo hilib iyo waxaa. hashii ayuu utagay ka dibna gol-jilicda ayuu soo dhuftay,ka dibna hashii biyo aad u badan ayaa caloosheedii ka yimid ka dibna biyihii ayuu cabay intuu jilbaha dhigtay. ka dib markuu biyihii cabay ma bixine waa iska dul fariistay, mar kale ayuu biyihii ku noqday markuuu cabay ayuu meeshii geelo ka baxay ayuu aayar ka baxay.

Mid kale ayaa meeshuu ka baxay kii ka soo galay isna siidii kii hore ayuu biyihii oo batay iska dul fariistay wuuna iska cabay sidii kii hore oo kale, markuu biyhii ka dhargay ayuu jimicsaday markaasuu bahal ciya ku dhuftay ka dibna waa iska baxay sidii kii hore oo kale.

ka dib mar saddexaadkii ayaaan waxaa arkay humaag soo socda waana dareemay inuusan libaax ahayn wuxuuna ahaa hugaamaas wax qof u eg. waxaana niyadayda kusoo dhacday bahal madax-kuti la oran jiray oo dad qaad ahayd oo habeenkii markii laseexanaayo ayay intay soo istaagto aqalka muskiisa ayay waxay dhagaysan jirtay caruurta magacyadooda ka dibna markii la seexdo ayay u yeeran jiray oo waxay oran jirtay hoo misigtaan, ka dibna markuu ilmihii gacanta soo taago ayay la carari jirtay.

Anigii cabsi ayaa ilaahay ii keenay oo waxaan is iri libaaxyadii haday kugu dhaafeen urta hasha oo ay saas kugu heli waayeen sidee ayaad madax-kuti ugu badbaadaysaa waayo waxay leedahay caqligii dadka?.

Humaagii suu u soo socday ayuu wuxuu isasa soo taagay ardaagii aan hurudnay , ka dib saddexda hareerood ayuu intuu dhugtay ayuu yiri HOGAY, ileen kuwii geela raadshay ayaa intay xaafadii sii mareen ayay hooyo waxay ku dhaheen galihii (xerada geela) waxaan uga soo tagtay wiilkii iyo hal, ileen hooyo ayaa markii soo dhaqaaqday si ay ii badbaadiso aniga ka dibna halkii ayaaan hooyo ka raacay, marka maxaa ka xanuun badan inay hooyo ay nafteeda ay ka doorbido bad-baado qabkaaga oo ay usoo dhex marto meshaas sidaas waraabuhu u joogo.

Qisada 2aad :

anigoo jooga magaalada lafoole ayaan waxaan muraad usoo yeeshay Muqdisho, magaaladii ayaan ka muraadsaday basaska bixi jiray oo yaryar baan raacay, meel kantaroolka af-gooye looga baxo buu istaagay markii kantaroolkii ugu danbeeyay ee uu muqdisho ka dhaqaaqay, sida caadiga ah basaasku waxay leeyihiin laba kursi oo iska soo horjeeda, marka aniga kursigii iga soo horjeeday waxaa fadhiday gabar waa qof da’yar ilmo yar bay dhabta ku haysaa , diric bay sidataa, goorgarad iyo baal ay huwanayd.

Baskii markuu waxyar socday ayuu ilmihii yaraa oohin bilaabay waa aamusi waayay wax walba way samaysay, qayladiisii waxaa dhibsaday dadkii baabuurka saarnaa,mar kaliya ayay intay hooyadii laabta gacanta kalisay ayay ilmihii yaraa afka naaska u galisay.

caado ma ahayn in gabar yaroo gayaan ah meelay rag gayaankeed ahi ay naaska ku soo saarto, laakin layaab maahan oo waxaa jirta duruufkeentay inay soo saarto oo ahay ilmaha yar ee aamusi waayay dadkiina ay ku dhbsadeen.

hooyo

Anna ka bawaan hadraawi ahaan habeenkaas ayaan gartay waxa ay hooyanimadu tahay, ilmihii yaraa naas kii buu jaqay markuu ka dhargay, abaal gudkii lagu yiqiinay ayuu bixiyay dhabteedii ayuu saxaro iyo kaadi ula tagay, ka dibna gabadhii diriceedii ayay soogurtay ama soo laabtay waxayna ku asturtay saxaradii ilmaha, waxaa soo haray ilmihii oo qoyan ka dibna ilmihiina waxay ku qalajisay goor garadeedii, waxaana cajiiba sida ay hooyadaas waajibaadkeeda ugudatay, taas oo ahayd ina ilmihii qayladisi dadka ka aamusisay kadibna ay asturtay saxaradiisii iyo kadidiisii.

intaas ka dib waxaan isku soo xasuustay ayuu yiri abwaanku labada qiso tii koowaad ee ahayd habeenkii libaaxa iyo tan oo ahayd tii safarka gaariga, ka dibna bal si aan wax uun uga sheego qiimaha hooyada ayaan waxaan alifay heesta ah hooyoy la,aantaa taas oo aan u dhiibay hobal markaas noolaa oo la oran jiray maxamed saleebaan tubeec, waana tan heestii :

Heesta Hooyoy la’aantaa:

  • Hooyoy la’aantaa
  • adduunyadu hubaashii
  • habeen kama baxdeeno
  • iftiin lama heleenoo
  • dadku uma hayaameen
  • dayax heego joogoo.
  • sida haad ma fuuleen
  • xidig hawdka lulaloo
  • hawo laguma gaareen.
  • hubka laguma tuureen
  • cirka hirarka muuqdoo
  • ruxaad hagaysiyo
  • usha midaad u haysaa
  • Hilin toosan Waligii
  • Ka habaabi maayee
  • Hooyoy adduunyadu
  • Halkay maanta joogaan
  • Adigaa horseedee.
  • Intaad hanad xambaartee
  • Haaneedka siisee
  • Horaadada jaqsiisee
  • Habtay baan xisaabiyo
  • Tiro Lagu helayninee.
  • Marka aad nin hiiloo
  • Laga baqo hashiisiyo
  • Halyay diiran dhashaa
  • Hooyo lagu xasuustaa.
  • Gurigiisa habaqluhu
  • Isku soo haleeyoo
  • Xayntiisa Quudhiyo
  • Lama hure dhashaa baa
  • Hooyo lagu xasuustaa.
  • Marka aad nin himilada
  • Hilin toosan mariyoo
  • Hir Markii la gaaraba
  • ku labaad hilaashoo
  • Haga maatadiisoo
  • La hiigsado dhashaabaa
  • Hooyo lagu xasuustaa.
  • marka aad nin hoogiyo
  • Ka hortaga dagaalkoo
  • Dabka hura baqtiiyoo
  • Garta hubin yaqaanoo
  • xaqa hoos u eegoo
  • Halistiyo colaadaha
  • Ku hagoogta dhiigoo
  • Dadka Kala hagaajoo
  • kala hage dhashaabaa
  • hooyo lagu xasuustaa.
  • markaad hoobal caanoo
  • Sacabka iyo heelada
  • labada hagaajoo
  • hindisaha farshaxanoo
  • Habdhaca iyo luuqdaba
  • Rabbi hibo u siiyoo
  • Hawraarta maansada
  • Heensaha yaqaanoo
  • Hal abuur dhashaabaa
  • Hooyo lagu xasuustaa.
  • Dumar iyo haween baa
  • nolol lagu haweystaa
  • kuwa lagu hamiyayee
  • sida howd caleen wayn
  • Raggu wada hamuumee
  • ishu halacsanaysaa
  • hablahaaga weeyee
  • marka guur la haybshee
  • Gabar heego dheeree
  • hoobaan la moodoo
  • kati iyo hub qaad loo
  • quruxdana ka hodanaa
  • hira laga aroostaa
  • hooya lagu xasuustaa
  • hooyoy la’aantaa
  • higaad lama barteenoo
  • hooyoy la’aantaa
  • hadal lama kareenoo
  • Ruuxaanad habinoo
  • kolba aanad heesiyo
  • hoobey ku sabinoo
  • howshaada waayaa
  • hanaqaadi maayee
  • Hooyoy taftaada
  • Dugsi laga helaayoo
  • hooyoy dhabtaada
  • hurdo lagu gam’aayoo
  • hooyo dushaadaa
  • nabad lagu helaayoo.
  • waxaa lagu hal-maalaa
  • hooyo ababintaadaa
  • hayin lagu badhaadhaay
  • hogol lagu qaboobaay.
  • intaad hooyo nooshahay
  • hambalyiyo salaan baan
  • hanti kaaga dhigayaa
  • hamrashiyo xaq-dhowr baan
  • dusha kaa huwinayaa.
  • hooyo dhimashadaaduna
  • hoogayga weeyoo
  • waligay hoggaagaan
  • ka dul heesayaayoo
  • hiyiga iyo laabtaan
  • kugu haynayaayoo
  • hengel baan u xiriyaa
  • inta haadka duushiyo
  • idil habar dugaagee
  • ifka ib ku noolow
  • aakhirana halkii roon

Gabogabo ⁴ᴷ┇ Hooyoy la’aantaa

Abwaan hadraawi wuxuu heestaan quruxda badan ku muujiyay qiimaha ay hooyadu uleedahay bulshadeena, wuxuna sheegay kaalmo badan oo ay hooyadu muhiim ugu tahay dhamaan bulshadeena. waayo majiro ruux iskaafin kara hooyo la’aan. intaas ayaan jeclaystay inaan idin kula wadaago qormadaan mahadsanidiin dhamaantiin saaxiibayaal qaybta commentigana aanku soo qorno hooyo rabbi raali kaa noqoy.

More Info

Creator : Mohamud Abshir | YouTube.

Images : pixabay.com | pexels.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *