Ciwaanada Maqaalkan :
Hordhac :
Hubaal halkaan waxaa ku sugan 10 oraahood oo ad iyo aad qalbi jab u ah oo xitaa xikmad wata kuwaas oo qofkii ku dhaawacay hadaad u dirto uu khalad wayn inuu kaa galay uu ku ogaan karo, qoraal dheerna ma wadi karnee kaalay wada akhrinee fariimahaas.
ADEEGYADAAN QABANO : Haddii aad rabto in laguu sameeyo website xayaysiinleh sida keenaan oo kale soomaaliga ah iyo mid English ah igala soo xidhiidh whatsAppka lambarkaan : +252906607535

Nuxurka Maqaalka :
Erayga 1aad Ee Erayo Qalbi jab ah : ” Wax walba waa qadar, ilaahay ayaana og wax walba oo nagu soo socda, laakin ismaan oran ruuxaad qadarinaysay ixtiraamaysay ayaa maalin kugu oran doona kuuma baahni, tani maahan inaan asaagay uga haraayo aawadaa ama daraadaa , laakin waa ii cashar, waxaan niyada ku haystaa aayadii qur’aanka ahayd ee uu ilaahay subxaanahi watacalaa ku lahaa ´ laga yaabaa inaad jeclaysataan wax aan faaido idiin lahayn , laga yaabaa inaad karaah sataan shay ama wax faaiido idiin leh ` kaliya kuwaayida aan ku waayay waxay ii ahayd in ilaahay subxaanahu watacaa ikaa dhaafshay , Waayo isagaa og wax walba oo soo socda, marka ilaahay ayaan waxaan waydiisan qofkaa wanaagsan nafis aan ku dareemi doono insha allah 💔🥲 .
Erayga 2aad Ee Erayo Qalbi jab ah : ” Ma ogtahay dad ii baahnaa inaa daraadaa u diidey, adna dad kuu baahday aawadood aad ii cidlaysay.
bini aadam baa tahay waad khaldami kartaa laakin sidee uga jawaabaysaa dulmigaad naftayda ka gashay aakhiro ilaahay hortiisa ?🥲.
Erayga 3aad Ee Erayo Qalbi jab ah : ” habeena kuma seexan niyad jabi , iskaba daaye markii uu qof gayaankay ah iga horyimaado oo aan damaaciyo waxaan niyada iska dhahaa qof ayaad balan la gashay oo weli kugu xisaabtamaya marka adoo noqon kara kan laga tagay ha noqon kan wax dhaacay oo taga taasina waa ii sharaf aan ku faani doono adduuniyo aakhiraba 💔🥳.
Erayga 4aad Ee Erayo Qalbi jab ah : ” ma ogtahay dhaawaca aad i dhaawacday maanta inuu ii yahay khibradiyo cashar?. casharka aan kaa bartayna waa inaan qof danbe si saaid ah aanan u jeclaan, waxaadna i bartay inaan naftayda jeclaado halkii aan qof kale tiisa ilaalin lahaa oo qalbi jabiyo wareer ka dhawri lahaa .💔😢”
Erayga 5aad Ee Erayo Qalbi jab ah : ” ma waxaad damacday ama isku dayday inaad adigoo qof kale igu korwada aaan igu maaweeliso adiga ayaan ku jeclahay daacadna kuu ahay?, laakin waa kaa fashilmay qorshahaas, aniga waan ku dhigayaa , qofkaas aan daraadiis kuu wayayna qalbigiisa ilaali i kastoo shaqadayda ahayn 💔🥲”.
Erayga 6aad Ee Erayo Qalbi jab ah : ” ka waran hadaad online-ka xiratay aadna igu dhahday waan seexanayaa, kadib markaa ogaaday inaadan seexan ee aad online ahayd oo aad soo jeeday, aad igu dhahday qof kale ayaa khadkayga isticmaalayay , midaan kuu sheegaa aniga beenta ayaan ifka ugu necbahay, waad iga dhimatay hadaad xitaa wax walba keentana aamini maayo aday kugu koobantahay, marka waad iga raali ahanaysaa waana ku salamayaa macasalaamo by 💔 “.
Erayga 7aad Ee Erayo Qalbi jab ah : ” ka tagida aad iga tagtay allah maxay farxad tahay, waayo waxaan raadinayaa ama aan baranayaa ruuxaan calaf wadaaga ahaan lahayn waxaana jeclahay inuu dhan walba adiga kaa fiicanyahay inshaa allah haday dabeecad tahay , haday dhaqan tahay , haday cabsida alle subxaanahu watacaalaa tahay iwm.
Erayga 8aad Ee Erayo Qalbi jab ah : ” Waa Balan mar walba oo aan ku soo xasuusto ilaahay ayaan u dhawaanayaa waxaana oranayaa ilaahow adaa shalay i baray qalbigayga uga madabee xasuusteeda sida aad qalbiga xumaanta uga madoobayso oo kale 💔❤️🔥 .”

Erayga 9aad Ee Erayo Qalbi jab ah : ” maxaan sameeyaa hadaan in badan qofaan wax qadarin ah ii hayn aan jeclaaa , laaakin markaa ogaaday aan noqday qof noloshiisii iska qalbi jab noqotay 💔❤️🔥 “.
Erayga 10aad Ee Erayo Qalbi jab ah : ” Maxaad isleedahay haddii la ikaa waydiiyo oo la i dhaho ‘qofkaagii hore ee nolsoha kala hadheen wax ka dheh ? ‘ waxaan oronayaa wuxuu ahaa qof wanaagsan laakin anaa fahmi waayay , waayo aar goosigu maahan inaad sheeg sheegto ceebihii qofka kula dhashay ee walalkaa ah 💔🥲 ” .
Gabogabo :
Adduunyadaan wax walba waad arkaysaa haddii aad sii joogto xitaa waxaad arkaysaa qofkii adduunka aad ugu jeclayd oo ku dhawaacaaya, hadaad isledahay waxaa jira qof marwalba garabkaaga joogayana naftaada ayaad been u sheegtay saaxiib sideedana jacaylku isku si ama isku heer uguma wada dhaco labada qof ee isjecel.
hadaba haddii balantii iyo wacadkii lagaaga baxo saaxiib waxaad adeegsan kartaa 10kaan eray ee qalbi jab ah ee aan kor kuugu sheegay iyo kuwa kale oo lamida.
Muhiimada : Oraahyadaan waxay turjumaan u yihiin ama ay u hadlayaan qof walba oo la dhawaacay oo wuxuu ku dhoho qofkaas dhaawacay garan waayay, hadaad tahay dadka aan dareenkooda ka hadli karina waxay kuu leeyihiin faaiido gaara.
More Info :
Creator : Mohamud Abshir |Youtube keena M. abshir
Images : Pexels.com | pixabay.com
Related : Erayo Qalbi jab ah Kala Tag | 💔