Erayo Qalbi jab ah Kala Tag | πŸ’”

Hordhac :

Fariiimahaan waa fariimo aad iyo aad qalbi jab u ah kuwaas oo aad ku oran karto ruux aad jeceshahay laakin xaggiisa aadka cabanayso.

ADEEGYADAAN QABANO : Haddii aad rabto in laguu sameeyo website xayaysiinleh sida keenaan oo kale soomaaliga ah iyo mid English ah igala soo xidhiidh whatsAppka lambarkaan : +252906607535

Nuxurka Maqaalka :

Fariinta 1aad Ee fariimo qalbi jab ah : 10 sano oo danbe xanuunka aan caawa dareemaayo hadaan joogo ilaawi Maayo saa naftayda oo dhamaystiran bilaa hagrasho ah ayaan farta kaa saaray ka dibna waxaad abaal iiga dhigtay hadal waanaagsan ha iga suginπŸ’”πŸ₯Ή.

Fariinta 2aad Ee Fariimo Qalb jab ah : Qofka bini aadamka ah meesha laga weeraro waa qalbiga , Adna qalbigaygi murug aanan afkayga ka sheegi karin ayaad ku abuurtay , Waxana Gaaray heer hadduu qof kale igu dhaho adaan adduunka kuu jeclahay aanan aaminin waayo kalsoonidaydii ayaa dhimatay Mar walba oo aan isdhoho hor u socod sameena waxa aan bukaanka la noqonaayo waaa xasuustaadii ha ahaato mid wanaagsan ama mid ila xumayd aniga , xasuus walba oo wanaagsanayd waxay ii saamaysa sida inaan soo xasuusto waqti aad garabkayga joogtay aadna igu oran jirtay anaa feedhaada joogaya weligaana ciil ma mudan doonto, xasuusta xuna waxay ii saamaysaa markaa kaa waayay balantii shalay aad iga qaaday oo ahayd inaad garabkayga joogayso πŸ’”πŸ₯Ή.

Fariinta 3aad Ee Fariimo Qalb jab ah : “Wax walba Waa dhigaal laakin maxaad ku keentay inaad i dhahdo ma awoodo inaan ku siiyo fariin jacayl ah ama naxariiis ah? Ma waxaadka cabsoonaysaa inaan kusii jeclaado adna aad boos u weydo jacaylkaas xad dhaafka ah ee aan kuu sii qaadayo πŸ’”πŸ˜£”.

Fariinta 4aad Ee Fariimo Qalb jab ah : ” Hadaad i nacday maad i dhahdo kuma rabi go’aan ayaan qaadan lahaa laakin waxaa xanuun igu noqotay qof mararka qaar ku leh waanku jeclahay, Mararka qaarna kuula dhaqmaaya qaab aan loola dhaqmin ciyaalka yaryarka ahπŸ’”πŸ˜£”.

Fariinta 5aad Ee Fariimo Qalb jab ah : ” ka waran hadaan kusoo wacay ka badan 10 jeer adoo welibana call kale saaran ka dibna adoo isleh yuusan kugu canaanan maxaad wicitaanka iigu dhagaysan markaad Shukaansigaagii dhamaystay aad iska seexatay, salaadii markaad soo kacday oo aad aragtay fariimahaygayna aad jawaab iiga dhigtay aniga kumaba hadlayn oo mar hore ayaan seexday πŸ’”πŸ˜£”.

Fariinta 6aad Ee Fariimo Qalb jab ah : ” aniga marar badan waankaa shakiyay inaadan daacad ii ahayn marar badana daraadaa ciil iyo murug waan u maray, markaan kugu iri si aan u dago ama aan nafis ugu dareemo xiriirka dhexdeena mid ii samee ” ilaahay hortiisa iiga balan qaad inaad ani daacad ii ahaanayso maxaad ku diiday? πŸ’”πŸ˜£”.

Fariinta 7aad Ee Fariimo Qalb jab ah : ” ma ogtahay amaanada waxaa ka ooyay cirka iyo dhulka , adna waxaad dhahday keen naftaada oo dhamaystiran anaa masuul ka noqonayee waadna dayacday amaanadeedii, maxaad ku jawaabi doontaa markii ilaahay la hortago Subxaanahu Watacaalaa balantaad uga baxday naftayda ” .

Fariinta 8aad Ee Fariimo Qalb jab ah : ” Ma ogtahay anoo dad badan daaraadaa u inkiray oo dhahay ma fulinaayo codsigiina waxaan u diidaayayna ay daraadaa ahayd anoo islahaa indhaheeda xitaa hal maalin yaysan ilamyn ama yaysan niyad jab dareemin, sidoo kale waxaan ku adkaa balantii iyo wacadkii dhexdeena, laakin adigu kama aad soo bixin balantaas waxaana kula fududaaday dadkaas codsigoodii waxaadna kabta ka hoos marisay balantaad ila gashay πŸ’”πŸ₯² “.

Fariinta 9aad Ee Fariimo Qalb jab ah : ” ka waran hadaad igu cidlaysay aadna online ka tahay aalad ka kale oo lagu wada xariiro aadna isleedahay ma oga , laakin aaan iska samraayo, anigoo u jeeda marwalba inaad online meel kale ka tahay πŸ’”πŸ₯²”.
Fariinta 10aad Ee Fariimo Qalb jab ah : ” ugu Danbayn si aan sharaftayda iyo caafimaadkayga U ilaaliyo waxaan go’aansaday inaan halkaas ka baxo anoo aan cidna eed saarin waayo wax wanaaga ama ixtiraama iima hayso, qalbi jabka aad ii gaysatayna waa ii khibrad een maahan xanuun aan asaagay uga haraayo hadeerna waxaan galayaa qaabkaan kula sheekaysan lahaa naftayda khayr badan kuu rajayn πŸ’”πŸ₯Ή “.

Gobogabo :

Intaas ayaan Jeclaystay inaan kula wadaago waana fariimo muhiim ah aadna ku muujin karto qiimahaaga sida inaad tahay ruux ku kalsoon naftiisa, ixtiraamaya naftiisa iwm.
Digniin : masuul kama ihi haddii ruux ku jecel aad u adeegsato fariimahaas ka dibna aad saas ku kala tagtaan.
Yay ku haboonyihiin : waxay ku haboonyihiin ruuxaadka quusatay aadna go’aankii ugu danbeeyay isla soo gaarteen, si aad go’aan uga gaarto waxaad lawadaagi kartaa fariimahaan.
Muhiimadooda : intaad waqtigaaga qaaliga ah ku lumin lahayd meelay waxba ka soo socon ku lumi waqtigaaga meelaad adiga ka tahay madax, haday dhici waydana adeer wanaag kuuma yaalo boorsadaada qaado, Waa walaalkiin Mohamud Abshir oo idin leh intaan qoraal noocaan oo kale ah ku kulmayno nabad galyo.

More Info :

Creator : Mohamud Abshir |Youtube keena M. abshir

Images : Pexels.com | pixabay.com

Related : fariimo jacayl ah xul | 2025

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *