Erayo jacayl ah oo xul ah | jacayl

Hordhaca maqaalka

woow , halkaan waxaa ah 19 kalmadood oo jacayl dhisi kara , abuurina kara kalsooni qurux badan , aadna ku quruxsan karto shukaansigaaga aadna ku khalkhalin karto qalbiga dumaashi ama seedi.
ADEEGYADA : intaas waxaa dheer adeegyada aan qabano haddii aad rabto in laguu sameeyo website xayaysiinleh sida keenaan oo kale soomaaliga ah iyo mid English ah igala soo xidhiidh whatsAppka lambarkaan : +252907463524

Nuxurka Maqaalka


Fariinta 1aad ee erayo jacayl ah : ” Markaan adiga ku bartay waxaan iska dhaafay la hadalka dadka kale iyo barashada dadka cusub waayo marabo inay iga kaa mashquuliyaan “.
Fariinta 2aad ee erayo jacayl ah : “waxaa laga yaabaa inaan marmar is dagaalno marmar kala caroono , laakin ogsoonow naftaan si walba oo ay kaaga carooto go’aan kuma gaari karto inay kaa dheerato adiga qaali “
Fariinta 3aad ee erayo jacayl ah :” Runtii kalsoonida aad igu qabto waxay igu kordhisaa jacayl mana kaa fogaan doono abid”.
Fariinta 4aad ee erayo jacayl ah : ” ma ogtahay maalintii nolosheyda ugu quruxda badnayn inay ahayd maalintaan adiga ku bartey Qalbi”.
Fariinta 5aad ee erayo jacayl ah : “jacaylku aragti maahan, waayo waxaa jira dad is jecel oo aan weligood is arag, jacaylkoodana qalbiga ayay ku haystaan, halka wax ee ay aaminsanyihiina waa inay maalin uun is heli doonaan, anna adiga oo iga fog ayaan qalbiga kaa jeclahay waxaana aaminsanahay inaan maalin uun ku heli doono qalbi “.
Fariinta 6aad ee erayo jacayl ah : ” hubaal waxaad tahay qofka kaliya ee aanan ka maarmin aana jeclahay inuu garabkayga ahaado xaalad walba oo aan ku suganahay”
Fariinta 7aad ee erayo jacayl ah : ” waxaad tahay qofka ibaray micnaha jacaylka , ina siiyay kalsooni buuxda , waanku jeclahay mcn !! “

Fariinta 8aad ee erayo jacayl ah : “waxaad tahay ruuxa markaan la hadlaayo aan ku dareemo agtiisa farxad , kaliya waxa aan sugi la ahay ayaa maalinta aan noloshaada kusoo biiri doono mcn, si aan laabtaada farxad iyo jacayl ugu qaato qalbi”
Fariinta 9aad ee erayo jacayl ah : ” nolosha qof walba waxaa uu ku fanaa qof anna qofka aan ku faano waa adiga mcn “
Fariinta 10aad ee erayo jacayl ah : ” ma ogtahay maalintaan noloshaada ku soo biiray inaan ahaa qof aan la xisaabsan, ilaahay ka sokow qof nolosheyda micnaha u yeelay waa adiga qaali “
fariinta 11aad ee Erayo jacayl ah : “majiro qof kale ee ii matali kara booskaaga waayo naftayda kuma qanacsana, qofaan adiga ahayn. “
fariinta 12aad ee Erayo jacayl ah : “naftayda hal qof ayaan u hibeeyay , naftaydana hal ayaan ku aaminay, naftaydana hal qof ayaan siiyay, cidkalena mahane waa adiga qalbi”.
fariinta 13aad ee Erayo jacayl ah :“ma jiro wax iiga qiimo badan hadalkaaga, waayo wuxuu xambaarsanyahay dareen gooni ah”.
fariinta 14aad ee Erayo jacayl ah : “aad bay u qurux badantahay inaad hesho qof ku siinaya naxariis iyo jacayl intaba adaan kaa helay qalbi..


fariinta 15aad ee Erayo jacayl ah : ” adduunkaan oo dhan sababta aan adiga kaaga doortey ayaa ah naxariistaada iyo hab dhaqankaaga wanaagsan qalbi”.
fariinta 16aad ee Erayo jacayl ah : “waxaan ku siiyay qalbi aan u diiday inuu dago qofkale ,waxaan hadiyad kaaga dhigay jacayl aan u oo galaan waayay inaan siiyo cidkale Qalbi”.
fariinta 17aad ee Erayo jacayl ah :“noloshu waa mid qurxoon ,jacaylka aan dareemayana waa mid macaan, maalin walba oo qorrax soo baxdana waxaan dareemayaa farxad waxkalena maahane waa adiga inaan ku haysto Qalbi”.
fariinta1 8aad ee Erayo jacayl ah : “qof walba waa ku dhihi karaa waan ku jeclahay, Balse qof walba naxariis iyo kalsooni kuma siin karo, “.
fariinta 19aad ee Erayo jacayl ah : “Qofka kaliya ee waxaad tahay aan guushiisa ku farxo kana naxo dhibkiisa, waayo waxaad tahay ruuxa mar walba i garabtaan “.

fariinta 20aad ee Erayo jacayl ah : ” waxaad igu beertay jacayl midkii ugu wanaagsanaa, waxaad isiisay ixtiraam midkii ugu qiimaha badnaa , anna waan ku jeclaaday ilaa xad “.
fariinta 21aad ee Erayo jacayl ah : ” Adaan kuu dhaafay fariintaan waayo adba waxaad tahay macalin aan waxba laga ogayn, marka kaalay iskaaya bar oo qaybta commenti qaadana fariinta 20aad ee erayo jacayl ah.

Gabogabo

Ugu danbayn waa idiin soo qorey erayadaad wada sugayseen kuwaas oo ahaa erayo jacayl ah si aad ugu quruxsataan shukaansigiina waana qaybtii 2aad , waxaana jeclahay inay wax uun kugu soo kordhiyeen mucaashaq ama mucaashaqadeey, haday saas tahay qaybta comment-ga igula wadaaga aragtidiina waan idin salaamayaa guuleysta saaxiibayaal meel walba oo aad adduunka ka joogtaan.


More info

creator : mohamud abshir | YouTube
related : Erayo jacayl ah Qalbi taabasho | jacayl
images : pixabay.com | pexels.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *